Maamulka Xeraale iyo Wasiiro ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa ka qayb galay siyaaradii Sheekh Yuusuf oo sanadkaan lagu dhigay magaalada Xeraale.
Sanad waliba waqtigan oo kale ayaa la xasusaa Sheekha, waxaana uu ku aasan yahay tuulada Huurshe oo ka mid ah deegaanada ku yaala waqooyiga Gobolka Galgaduud, ammaanka guud ee magaalada Xeraale iyo deegaanada ku dhaw ayaa aad loo adkeeyay si loo ilaaliyo Nabadgelyada goobta siyaarada iyo marti sharaf kala duwan oo u yimid magaalada ka qayb galka Xuska siyaarada Sheekh Yuusuf oo kamid ahaa (AUN) Mashaa’ikhda culimada Soomaaliyeed.
Sanadkan waxaa dadka degan Xeraale ay ku siyaaranayaan sheekhooda goobta oo ah gudaha magaalada Xeraale waxaana sabata kaliftay in lagu dhigo xeraale oo aan la tagin goobtii hore ee Huurshe ka hadlay Gudoomiyaha magaalada Xeraale Bashiir Daahir Yaasiin oo tilmaamay in xaruntii hore ee Sheekh ay iminka ku suganyihiin dhagar qabayaasha Al-Shabaab, waxaana u guddoomiyaha bulshada ka dalbaday inay sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Sheekh Maxamed Sheekh Cabinaasir Sheekh Yuusuf oo ka mid ah Awlaaddii Sheekh Yuusuf iyo Sheekh Maxamed Maxamuud iyo Nabadoon Cabdulle Macalin Ibraahin ayaa uga mahadceliyay dadka soo qayb galay siyaarada Sheekha.
Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Daryeelka Naafada Mahad Maxamuud Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Galmudug Mursal Cabdiraxmaan Axmed oo ka hadlay gababadii siyaarada ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo Nabadda .