Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaradda Awqafta iyo arrimaha diinta ee Dowladda F. S. oo Jubbaland ugu deeqday 400 kutub qur’aanka kariimka ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaradda Awqafta iyo arrimaha diinta ee Dowladda F. S. oo Jubbaland ugu deeqday 400 kutub qur’aanka kariimka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dawladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta ku wareejiyay wasiir ku xigeenka  Cadaaladda Dastuurka arrimaha Diinta Jubbaland, in ka badan 400 oo kutubta Quraanka kariimka qawlkii eebbe oo loogu tala galay in lagu horumariyo  dugsiyada lagu barto qur’aanka kariimka.

kulanki wareejinta kutubtaan ayaa waxaa goobjoog  ka ahaa  xldhibaan Axmed Ugaas  oo ah gudoomiyaha guddiga Cadalada iyo arimaha diinta ee golaha wakiillada  Jubbaland, gudoomiyaha maxkamadda gobolka Jubada hoose, wasiir ku xigeenka cadaladda dastuurka arrimaha diinta Jubbaland  iyo wasiir ku xigeenka diinta iyo awqaafta xukumada Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

Gudoomiyaha maxakamadda gobolka Jubada hoose Axmed nuur  iyo xildhiban Axmed Ugaas  gudoomiyaha gudiga cadaaladda iyo arrimaha diinta ee golaha wakiilada  jubbaland ayaa kutubtaan loogu deeqay ku tilmaayay mid qayb ka qaadaneysa wax baridda ubadka.

Wasir ku xigenka cadalada dastuurka iyo arrimaha diinta dowlad goboleedka jubbaland Aadan Ishaar Cumar  ayaa xusay in dhiiri galintada dugsiyada iyo xarumaha lagu barto diinta ay tahay mid waajib ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta xukumadda federalka Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in dowlada Soomalaiya ay ka go’an tahay dhiiro galinta waxbarashada gaar ahaan barashada diinta islaamka si looga hor tago in si qaldan loo fasiro diinta.

Previous Post

Ciidamada X.D.S. oo Shabaab kala wareegay Deegaanno ka tirsan Sh/hoose

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab” SAWIRRO

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab” SAWIRRO

Ra'iisul Wasaare Khayre "Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab" SAWIRRO

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In