aliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa soo bandhigay fursad ah in uu qaadanayo saraakiil cusub oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo tababar u gali doona kamid noqoshada Ciidankaasi, waxayna ka kala howl gali doonanaan qeybaha Ciidanka xoogga.
Tirada guud ee qaadanayo oo ah 130 Leyli sargaal, ayaa waxaa loo kala qeybiyey qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaddoona loo qeybiyey sidan:-
1- Qeybta 26aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed 20 Leyli Sargaal
2-Qeybta 54aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed 20 Leyli sargaal
3-Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed 20 leyli Sargaal
4-Qeybta 12ka April ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed 30leyli Sargaal
5-Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed 20 Leyli Sargaal
6-Qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Sooamaliyeed 20 Leyli sargaal
Sharruudaha laga doonayo qofka loo qaadanayo Leyliga sargaalnimo
1- waa in uu heystaa shahaado Dugsi sare ama Jaamacad.
2- waa in da’diisu ay u dhaxeysaa 18-25 sano jir.
3- waa in caafimaadkiisa uu Fiican yahay.
4-waa in luuqada English-ka uu si fiican u yaqaano.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka, ayaa ku sheegay goobaha Shahaadooyinka lagu qabanayo inay kala yihiin Dugsiga ciidanka badda Soomaaliya iyo Garoonka Kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana muddada qabashada Shahaadooyinka ay ka bilaabaneysaa 15-11-2017 ilaa iyo 22-11-2017.
Warqada Ogeysiiska oo qeyb kamid ah uu soo gaaray Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa waxaa ku saxiixan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod.
W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan