Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad mariyay Hindise Sharciyeedka Ladagaallanka Argagixisada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliland doorashadii sida nabad gelyada leh kusoo gaba gaboowday ee dhawaan halkaasi ka dhacday, isagoo ku tilmaamay tallaabo horumar laga gaaray xagga demoqraadiyadda.

Guddiyada Maaliyada ee Golaha shacabka ayaa golaha ka hor jeediyay dib u eegista ku saabsan canshuurta gunnooyinka ee ku noqoshada Misaaniyadda Qaranka ee 2017-ka oo uu goluhu cod geliyay, waxaana guddiga uu soo jeediyay qodobo ay ka mid yihiin in guno xileedyada la siiyo mas’uuliyiinta dowladda laga jaro 8% canshuur bileed ah laga bilaabo bisha October ee Sanadkan, in xukumaddu ay diyaariso xeer nidaamiya oo qeexaya guno xileedyda Baarlamaanka Federaalka si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Shacabka, kaasi oo dhaqan galaya sanad miisaaniyadeedka 2018 intaasi ka dibna golaha ayaa cod geliyay, waxaana ogolaatay 149 mudane saddex ayaa ka aamustay mana jirin cid diiday.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sidoo kale sheegay inaanu waxba ka jirin warar been abuur oo uu sheegay in maalmihii lasooa dhaafay baraha bulshada lagu daabacayay.

Intaasi kaddib Golaha Shacabka ayaa guda galay Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka ladagaalanka argagixisada iyo ujeedooyinka uu xambaarsanyahay, wxaana golaha ka hor akhiryay Wasiirka Amniga oo sheegay in sharcigan uu la jaan qaadayo xeerarka caalamiga ah.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka xakameynta hubka wax dila oo ay Wasaaraddu soo diyaarisay.

Intaasi kaddib Xildhibaanada Gaolaha Shacabka ayaa dhowr su’aalood ku saabsan waxayaabaha sharciyadan ay soo kordhin doonaan iyo saameynta dhaqaale ee ay yeelan doonaan weydiiyay Wasiirka Amnaiga.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay xisaab celinta gargaarga deg dega gaarka ah ee Xildhibaanada oo uu Golaha ka hor jeediyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinka Sabtiga ah Golaha Shacabka uu yeelan doono kulan aan caadi aheyn oo uu qudbad ka jeedin doonoa Guddoomayaha Baarlamaanka ee Walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo dalka booqasho casuumaad rasmi ah ku imaan doona.

Previous Post

DAAAWO SAWIRRADA:- Safarka Ra’isulwasaaraha Ee Baydhabo Janaay

Next Post

AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga

Next Post
AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga

AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In