Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxabarshada Jubbaland Axmed Handal Madax hay’ada Qaxootiga Jubbaland Maryan Ow Cali Iyo Maamulayaasha Iskulaadka Magaalada Kismaayo Ayaa Kulanka Kasoo Qayab Galay,waxaana lagu falanqeeyey arrmaha waxbarashada dadka danyerta ah.
Ujeedada ugu weyn ee kulankaasi ayaa ahaa sidii loo dhiiro gelin lahaa fursadaha waxbarasho oo ay helaan ardayda ka soo laabatay xeryaha qoxotiga ee Dalka Kenya,Maamulaha Iskuulka Guulwade Ayaa sheegay in qayb ka yihiin ardayda wax ka barta iskuulada ku yaal magaalda kismaayo ardaydii qaxootiga dib uga soo laabtay.
Madax hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Jubbalaand Maryan OW Cali Ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in xoogga la saaro sidii ardaydaasi u heli lahayeen si aysan uga kala go’in waxbarashadoodi hore.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxabarshada Jubbaland Axmed Hanadal Ayaa sheegay Wasaaraddu dadaal ku bixisay xoojinta waxbarashada ardyada ka soo noqday qaxootiga.
Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha waxbarashada ay ka jiraan ciriiri oo fasalad iyo ardayda ay kala badan yihiin.