Wednesday, July 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Cayaartooyda Jaaliyadda Melbourne oo ka adkaaday Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Benaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Cayaartooyda Jaaliyadda Melbourne oo ka adkaaday Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Benaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoonka Benaadir Stadium ayaa waxaa caawa cayaar saaxibtino ku dhexmartay cayaartooy ka socotay Jaaliyadda Soomnaaliyeed ee Wadanka Australia gaar ahaan magaalada Melbourne iyo Xulka kubadda cagta ee Gobolka Benaadir, kuwaasi oo isu diyaarinaya tartanka kubadda cagta Maamul Goboleedyada ee dhawaan ka furmaya magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadi ahna duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta ayaa ka qeyb galay cayaarta oo ka dhaceysay garoonka kubadda Cagta Koonis ee Degmada C/casiis.

Related posts

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Koonfur Afrika uga qeybgalaya shirka Baarlamaanada Afrika

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Koonfur Afrika uga qeybgalaya shirka Baarlamaanada Afrika

July 29, 2026

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareysay Xadgudubka loo geystay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa

July 29, 2026

Sidoo kale waxaa cayaarta caawa u soo daawasha tegtay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Benaadir.

Labada dhinac ayaa garoonka ku soo bandhigay cayaar aad u wanaagsan oo soo jiidatay dhamaan dadkii ka qeyb galay, waxaana waqtigii loogu talaglay ay ku soo idlaaday bar bar dhac 0-0.

Labada koox ayaa loo dhigay min shan rigoore, iyadoo kooxda Melbourne ay tuurteen 5 rigoore balse ay iska lumiyeen hal oo kaliya, waxaana ay shabaqa ku hubsadeen 4 rigoore, si taa la mid ah Xulka Gobolka Benaadir ayaa tuurtay 5 rigoore, waxaana ay shabaqa ku hubsadeen 3 balse ay iska qasaariyeen labo, taasi oo ay ku dhamaatay 4-3 rigooreyaal.

Xuquuqda sawirada: Cabdiraxiin Maxamed Maxamud Kismaayo

Previous Post

Urur dhallinyaro ah oo u istaagay wacyi gelinta bulshada

Next Post

DAAWO: Guddoomiye Thabit o oo sagootiyay Wiil uu Caafimaadkiisa kafaala qaaday

Next Post
DAAWO: Guddoomiye Thabit o oo sagootiyay Wiil uu Caafimaadkiisa kafaala qaaday

DAAWO: Guddoomiye Thabit o oo sagootiyay Wiil uu Caafimaadkiisa kafaala qaaday

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Koonfur Afrika uga qeybgalaya shirka Baarlamaanada Afrika

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Koonfur Afrika uga qeybgalaya shirka Baarlamaanada Afrika

July 29, 2026
0

Shirweynaha Baarlamaanka Afrika ee (Pan-African Parliament) ayaa ka socda magaalada Midrand ee dalka Koonfur Afrika, waxaana shirka oo ay ka...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareysay Xadgudubka loo geystay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa

July 29, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareynaysaa weerarka iyo gelitaanka Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa ee uu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili...

Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo xoojinaya xiriirka labada dhinac ee Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo xoojinaya xiriirka labada dhinac ee Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 29, 2026
0

Mudane Abdisalam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa wadahadalo labo-geesood ah la yeeshay Mudanaha Sylvie Baipo Temon, Wasiirka...

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

July 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo uu wehliyo Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Mukhtaar Mahad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In