Xilli mudooyinkii u danbeeyay ay isa soo tarayeen cabashashooyinka la
xariira dhanka adeegayada caafimaadka ee ka jira Deegaanada Galmudug
qaarkood ayaa waxaa Wasaarada Caafimaadka Galmudug ay sheegtay in ay
ku dadaali doonto wax ka qashada baahiyada dhanka caafimaadka ee ka
jira guud ahaan deegaanada Galmudug.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud
Catoosh ayaa kadib kormeer muddo sadax cisho ah ay ku mareeysay
deegaano ka tirsan kuwa gobalka mudug oo ay ka mid aahaayeen Af
barwaaqo Qorya wayn iyo Gal hagoog waxa ay sheegtay in guud ahaan
deegaanadaasi aysan haysan inta badan adeegyada caafimaad ee ay
bulshadu u baahan tahay ka wasaarad ahaana ay ku dadaali doonaan wax
ka qashada baahiyadaasi iyagoo la kaashanayay hay’addaha ka shaqeeya
howlaha caafimaadka
Kormeerka Wasiirka Caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud
Catoosh ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin kasta lasoo gaarsiiyo
isbitaalada caafimaadka Magaalada Galkacyo caruur fara badan oo qaba
cuduro kala duwan oo laga keeno deegaano aad u fog fog kuwaasi oo aan
laheyn xarumo cafimaad taasoo mararka qaar keenta in caruur iyo
hoyooyin soomaaliyeed in dhiig bax ay u geeriyoodeen inta lagu guda
jiro safarka dheer ee loo soo marayo Magaalada Galkacyo iyo deegaanada
fog fog ee aan lahayn xarumaha caafimaad.
Dhinaca kalana Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa deeq isugu jirta
raashin iyo Bacaha roobka Gaarsiisay boqalaal oo qoys oo isugu jiro danyar
iyo qoysaskii abaaruhu soo barakiciyeen kuwaasi oo ku sugnaa
Deegaanada Af Barwaaqo Gal Hagoog Iyo Qorya Wayn oo ka mida deegaanada
dhaca dhinaca waqooyi Bari Gobalka Mudug.
Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)