Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxmed uuna kamid yahay Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa goor dhow gaaray magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.
Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi Masโuuliyiinta maamulka Gobolka Bokool,kan degmada,saraakiil iyo masโuuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,maamulka K/Galbeed iyo qeybaha Bulshada.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ujeedada socdaalka Mukhtaar Roobow ay tahay in deegaankiisa uu dib ugu laabtay maadaama uu halkaasi ka yimid markii hore.
Maalinta beri ah ayaa lafilayaa in wafdiga uu meell fagaare ah uu kula hadlo shacabka iyo maamulka.
Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho,isagoo kulamo kala duwan la yeeshey masโuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.