Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda F. Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga tirakoobka ciidanka xoogga dalka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedkaย Koonfur Galbeed.
Wafdiga wasiirka ku xigeenka waxaa soo dhaweeyay Maamulka Magaalada Baraawe, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo uu ugu horeeyo Taliyaha ururka 25-aad ee Guutada Sedexaad Ciidamada Xoogga dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo la hadlay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in uu kormeeray Goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka, wuxuuna Warbixin ku saabsan xaaladad cidiamada ka dhageystay Saraakiisha hoggaamineysa.
Wasiirka ku xigeenka ayaa la hadlay Ciidamada Xoogga dalka, waxaana uuย bogaadiyay hawsha wanaagsan oo ay u hayaan shacabka Soomaalkiyeed, isagoo u balanqaaday in wasaaradda Gaashaandhiga ay dardar galin doonto ka warqabka xaalada iyo baahida ciidamada si ay guud ahaan ula wareegaan Amniga guud ee dalka, wuxuuna ka codsaday inay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan sidii guud ahaan cadowga ay u ciribtiri lahaayeen.
Wafdiga wasiir ku xigeenka ayaa kulan la qaatay Maamulka Magaalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna u sheegeen ย Bulshadii uu la kulmeen in ciidamda xoogga dalka ay shaqo wanaagsan ka hayaan magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow, iyagoo shacabka ka difaaca cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, Wasiir ku xigeenka ayaa dhankiisa ka codsaday Bulshada inay xoojiyaan taageerada iyo garab istaaga ay kula jiraan ciidamada xoogga dalka.