Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin: Faashilka Kooxda AL-Shabaab iyo Guushii Shacabkeena

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 29, 2017
in Wararka
0
Banaan bax lagu dalbanayo maqaamka caasimadda oo ka socda Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda khawaariijta ah ee Al-Shabaab waxa ay utaagan yihiin dhibaataynta iyo daadinta diigga dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyaga oo aan u aaba yeelin nooca qof ee ay dilayaan muhiimadda uu u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed, waana sababaha ay mar waliba u laayaan Culimada, Dhaqaatiirta, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Haweenka, waxaana ficiladooda ka muuqda cadaawada fog ee ay u qabaan Ummadda Soomaaliyeed.

Kooxdaan oo markii hore Dadka iskaga dhigi jirtay kuwo danaynaya diinta Alle iyo in ay doonayaan xukun Islaami ah, ayaa hadana waxaa soo baxday in ujeedkooda dhabta ah ay ka duwan tahay dhamaan wanaagii ay markii hore ku beer laxowsan jireen dadka, maadaama ayba iyagu yihiin kuwo kusoo duulay Diinta Islaamka iyo dadkeeda. Dhacdooyin badan oo ay geeysteen kuwaas oo iskugu jira dilal iyo qaraxyo ayay Ummaddeenu ku ogaadeen dhamaan xumaanta ay la maagan tahay kooxdaan khawaariijta ah ee al-Shabaab, waana sababta keentay in maanta meel kasta ay noqdaan kuwo la raadsanayo oo dagaalkooda bulshadu u Midowdo, iyaguna ay noqdeen Tukke Canbaar leh oo Ceebtooda meel ay istaagaan waayeen.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Si kasta oo ay iskugu dayaan in ay bulshada ku beer laxowsadan waxaa aysan awoodin in dadku warkooda maqlo ama dhegeysto maadaama la ogaaday u jeedadooda dhabta ah ee ay rabaan oo ah in maalin walba dadkeena Boqolaal ka mid ah sida Xoolihii u laayaan tusaale qaraxyadii kooxdaas ay ku laysay dadkii Soomaaliyeed ee ku ganacsanayay km5 Ex Soobe 14 October 2017 iyo 03 12 2009 Shaamow oo ay ku laayeen dhaqaatiir iyo arday baratay cilmiga caafimaadka oo intooda badani ka dhashay reero dan yar ahaa markii cilmigooda iyo xoogooda ay dadkoodu ku manaafacaadi lahaayeena ay laayeen kooxda khawaariijta ah ee Al-Shabaab iyo kuwii ay ka gaysteen Liido, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo goobo kale oo ay ku lahaayeen dad Soomaaliyeed dhallinyaro wax ku soo bartay duruufo adag oo doonayay in dadkooda ay u adeegaan.

Dhacdooyinka xun ee layaabka leh oo kooxdaan Khawaariijta ah ee Al-Shabaab ku kacday waxaa ka mid ah in Ummaddii ay u diiden in ay cibaadeystaan iyaga oo masaajida Alle iyo madaarista Diinta lagu barto labadaba dadka ka hor Istaagaan, kuwa ku dhega adeegaya in ay tagaan goobaha cibaadada ay marar badan ku dileen sidoo kale waxaa lagu yaqaan in ay dileen Culimo mudo dheer Diinta Islaamka kasoo shaqaynaysay oo xitaa ay ku dhex dileen Masaajid gudahood, iyaga oo salaad ku jira waliba ku faana dilka Culimada iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayn waxaa muuqata in kooxdaan la gaaray dhamaadkooda isla markaana bulshadeenu diyaar u yihiin in ay iska ridaan heeryaha gumaysiga iyo u adeegayaasha cadawga Alle oo ah al-Shabaab, dadkeenuna ay u guntadeen garab is taagida dowladnimada Soomaaliyed.

DHAMAAD

W/Q Mohamed Sahardiid

Previous Post

Howgallo laga fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Beladweyne

Next Post

Dhageyso: Sheekh Cabdulle Aw-cariif oo ka hadlay Xuska dhalashada Nabigeenna Suuban (NNKH)

Next Post
Dhageyso: Sheekh Cabdulle Aw-cariif oo ka hadlay Xuska dhalashada Nabigeenna Suuban (NNKH)

Dhageyso: Sheekh Cabdulle Aw-cariif oo ka hadlay Xuska dhalashada Nabigeenna Suuban (NNKH)

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In