Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo lagu dilay tiro maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay Maxaas

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaal ka dhacay Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa dilay ilaa 11 katirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Shabaab, ayna dhaawaceen kuwo kale,kadib markii dagaal uu ku dhexmaray deegaan hoostaga Degmada Maxas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid markii maleeshiyaad katirsan Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo la socotay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil katirsan ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka soo amba baxay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kuna sii jeedey Degmada Maxaas.

Related posts

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

February 5, 2026
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

February 5, 2026

Janaraal Axmed Maxamed (Tareedisho) oo ah taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka Xooga Dalka ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay shabaab ka dileen 11 qof tiro kalena ay ka dhaaweceen,isagoo xusay in dhankooda uu dagaalkaasi uu kaga dhintay 1 askari,ayna kaga dhaawacmeen 4 kale.

Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa haatan gaaray degmada Maxaasi ee Gobolka Hiiraan Halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

Ujeedka socdaalka ayaa ah sidii halkaasi loo geyn lahaa maamul cusub oo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu u magacaabay degmadaasi,iyagoo kulamo la qaadanaya qeybaha kaladuwan ee bulshada si loola shaqeeyo maamulka cusub.

Previous Post

Mukhtaar Roobow oo kulamo la qaatay Madaxda Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Next Post

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeeyay Dalka Kenya

Next Post
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeeyay Dalka Kenya

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeeyay Dalka Kenya

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

February 5, 2026
0

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si weyn...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

February 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026:  — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

February 5, 2026
0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer shaqo ku tagay Suuqa Xoolaha iyo xeryaha ay ku nool yihiin...

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

February 5, 2026
0

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maanta fagaare kula hadlay bulshada iyo maamulka Degmada Balcad, iyagoo jeediyay dardaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In