Waxaa maanta la daahfuray Istiraatiijiyadda Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka shanta sano soo ee socota oo qeexeysa arrimo ay kamid yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, diyaaarinta sharciyada doorashooyinka, wacyigalinta bulshada ee dhanka doorashooyinka, diiwaangelinta cod bixiyaasha iyo hirgalinta Axsaabta, waxaana sidoo kale Guddiga ay soo bandhigeen qaamuuska eray bixinta doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Qorheynta ee Xukuumadda Federaalka ah, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, xubnaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo wakiilo ka socday beesha caalamka iyo axsaabta siyaasadeed.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa baanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in qaamuuska ay soo bandhigeen uu shacabka Soomaaliyeed u fududeynayo fahamka doorashooyinka.
โAnaga doorasho waxaa noogu dambeysay 47-sano kahor, mudadaas 47-ka sano ah ayuuna aduunku isii badalayaa taas ayaa nagu qasabtay inaan tarjunno luqadda doorashooyinka, waxayna arintaan fursad u tahay dadka Soomaaliyeed inaysan ku dhibtoon doorashada aan rajeneyno inaan hirgalino sanadka 2020 taasi oo ah doorasho qof iyo cod oo xor iyo xalaal ahโ ayay tiri Xaliimo Yareey.
Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay taagaeereyso Guddiga doorashooyinka Qaran eeย madaxa banaan.
โWaxaan fursadan uga faaโiideysanayaa inaan idiin xaqiijiyo sida ay uga goโan tahay Qaramada Midooday inay garab istaagaan dadka iyo madaxda Soomaaliyeed si ay u gaaraan dimuqraadiyad iyo doorasho xalaal ah, iyadoo la xaqiijinayo habka ay u dhaceyso doorashada sanadka 2020โ ayuu yiri Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan ka geysnaayaan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.
Xildhibaan Fowsiyo Yuusufย Xaaji Aadan oo sidoo kale ka tirsan xubnihii ka socday Axsaabta Siysaadeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb qaataan dadaallada uu Guddiga Madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ugu jiro hirgelinta doorasho qof iyo cod ah inay qabsoonto sanadka 2020.
Wasiirka Wasaardda Qorheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri โGuddiga doorahooyinka Qaranka waxaan idin kaga mahadcelinayaa sida istiraajiyadiina u waafajiseen qorshaha horumarinta Qaranka iyo dastuurka dalka, marka waa muhiim in qorshahaan la hirgaliyoโ ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.
Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, waxaana mudooyinkii dambe ay wadeen dadaalo isugu jira dhameystirka hanaanka Axsaabta Siyadeed iyo diyaarinta waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada, iyadoo dhawaan Guddigu shahaadooyinkii diiwanagalinta kumeel gaarka ah ay siiyeen ilaa 7-Xisbi oo ka mid ah ururada Siyaasadeed ee dalka ka jira.
W/D: Cumar Xasan Cali