Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka W/Warfaafinta XFS oo si kulul u cambaareeyey dilka Wariye Maxamed Ibrahim Gabow

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka W/Warfaafinta  XFS oo si kulul u cambaareeyey dilka Wariye Maxamed Ibrahim Gabow
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Wariye Mohamed Ibrahim Gabow oo u shaqeynayay Telefishinka Kalsan kaas oo gaarigiisa miino loogu xiray.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri β€œInnaa Lillaahi Wa Innaa ILLeyhu Raajicuun, waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii, bahda saxaafada iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka tagey marxuumka. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo IIMAAN EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN”

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiir Eng. Yarisow ayaa si kulul u cambaareeyey falka dilka loo geystay wariyaha oo uu yiri β€œSi kulul baan u cambaareynayaa falka dilka loo geystay wariye Maxamed Ibarahim Gabow, waana muuqataa dhammaan calaamadihii kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab oo caadeystay dilka wariyeyaasha. Marxuumka waxuu ahaa aqoonyahay Jaamicad ku soo bartay dalka Uganda, lahaana mustaqbal wanaagsan.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in dambiilayaasha ay baxsadaan oo bulshada ku dhex-dhuuntaan. β€œDowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii kooxaha argagaxisada dalka looga sifeyn lahaa si shacabka ay u helaan ammaan iyo nabadgelyo la isku haleyn karo. Hay’adaha Amniga iyo Garsoorka ayaana sameynaya baaris dhab ah si sharciga loo horgeeyo dambiilayaasha. Waxaa dhammaaday waqtigii shaqsi intuu dambi galo baxsada, waxaana sameyn doonaa tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Eng. Yarisow

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo Turkiga uga qeyb galaya shirka Madaxda OIC

Next Post

Dhageyso: Maamulka Goof gaduud ee G/ Baay oo faah faahin ka bixiyay Xaaladda Deegaanka

Next Post
Dhageyso: Maamulka Goof gaduud ee G/ Baay oo faah faahin ka bixiyay Xaaladda Deegaanka

Dhageyso: Maamulka Goof gaduud ee G/ Baay oo faah faahin ka bixiyay Xaaladda Deegaanka

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In