Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ruushka oo Ciidamadiisa kala baxaya Dalka Syria.

caqiil by caqiil
December 12, 2017
in Wararka
0
Ruushka oo Ciidamadiisa kala baxaya Dalka Syria.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Mosco ay ciidamadeeda kalabaxaysa Dalka Syria,iyadoo haatan uu Ruushku ku dhaqaaqay talaabadii ugu horeysay oo ah in uu qaar ka mid ah ciidammadiisa kala baxo dalka Suuriya, sida uu Isniintii shaaciyay wasiirka arrimaha difaaca Sergei Shoigu.

Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka ayaa wuxuu amaray ku bixiyay in ciidammadu ay qayb ahaan u baxaan ka dib markii uu booqasho aan la sii shaacinin ku tagay Suuriya Isniintii.

Related posts

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025

Taageerada Ruushka ayaa muhiim u ahayd in ciidammada dawladda ee Suuriya oo uu hogaaminayo madaxweyne Bashaar Al Asad in ay ku gacan sarrayso dagaalka ka socoda Dalka Syria.

Lama oga ujeedada lasmiga ah ee ka dambeysay amarkani,balse Madaxweynaha Vladamir Putin ayaa ka bixid noocaas oo kale ah ku dhawaaqay sannadkii hore laakiin milatariga Ruushka ayaa sii waday hawlgalladiisa.

Markii la waydiiyay wakhtiga ay ciidammada Ruushka ku qaadan doonto in ay wada baxaan, wuxuu ku jawaabay “waxay ku xirnaan doontaa xaaladda” Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka ayaa Bashaar kula kulmay Saldhigga Ruushka ee Hmeimim ee u dhaw Latakia,iyagoo kawada hadlay arrimaha Dalka Syria iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalada halkaasi ka socda.

Putin ayaa yiri: “Waxaan ku amray wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidammada qalabka sida in ay billaabaan in ay ciidamma ka saaraan Suuriya si ay u gaaraan saldhigyadoodii rasmiga ahaa,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Russian RIA Novosti.

“Waxaan go’aan ku gaaray in tiro muhiim ah oo ka mid ah ciidammada Ruushka ee ku sugan Suuriya in ay ku laabtaan dalkoodii Ruushka.” Ayuuna intaas ku sii daray.

Previous Post

Dhageyso: Maamulka Goof gaduud ee G/ Baay oo faah faahin ka bixiyay Xaaladda Deegaanka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

October 8, 2025
0

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan si rasmi ah loogu qabtay magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii labaad,...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

October 8, 2025
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, ayaa xarunta hay’adda UNHCR ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In