Dowladda Shiinaha ayaa ku baaqday in la aasaaso dawlad Falastiin ah oo leh madaxbannaani iyo xoriyad buuxda, taasoo ay caasimaddeedu noqon doonto bariga Magaalada Qudus.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Shiinaha, Lu Kang, ayaa sheegay inay Beijing dareensan tahay walaaca ay ka qabaan waddamada Muslimiinta ah xaaladda xuduudaha la haysto,taasoo sare usii qaadday markii uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay inay Qudus tahay Caasimadda Israa’iil.
“Waxaan taageersanahay in wada xaajood wax lagu dhammeeyo, iyada oo la raacayo heshiiskii caalamiga ahaa ee Qaramada Midoobey ,Waxaan sidoo kale taageersanahay sidii loo dhisi lahaa Dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah, taasoo ay caasimaddeedu tahay Jerusalaam (Qudus) kuna salaysan xuduuddii 1967-kii.”ayuu yiri Lu Kang.
Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Todobaadkii hore sheegay inay Magaalada Qudus tahay caasimadda Israa’iil ,una rari doono Safaaraddiisa, taasoo ka caraysiisay Dowladaha Islaamka iyo inta badan hoggaamiyeyaasha Yurub.
SONNA