Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogayaasha Al-Shabaab oo baxsad ka ah howlagallada Cirka

caqiil by caqiil
December 15, 2017
in Wararka
0
Horjoogayaasha Al-Shabaab oo baxsad ka ah howlagallada Cirka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa shaaca ka qaaday in Malleeshiyada Al-Shabaab iyo horjoogayaashii ka sarreeyayba ay ku jiraan xaalad firxad ah, ka dib markii ay u adkaysan waayeen duqeynmaha xagga Cirka iyo weerarrada ay Ciidamada xoogga ku baacsanayaan.

Taliyaha qaybta 43aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal: Isamaaciil Saxardiid ayaa jariiradda Daily Nation ee kasoo baxda Dalka Kenya u sheegay in ay Horjoogayaasha ugu sarreeysa Al-Shabaab iyo Malleeshiyaadkoodiiba ka carareen goobihii ay Ku dhuumaalaysan jireen.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Mr; Saxardiid ayaa intaa raaciyaya inay xogtaasi ka heleen dagaallamayaal badan oo iyaga isu soo dhiibay, kuwaasoo ka war bixiyay baqdinta lasoo gudboonaatay hoggaanka Kooxda iyo Malleeshiyadooda.

Hoggaamiyaha ugu sarreeya Al-shabaab Axmed Diiriye iyo horjooge lagu magacaabo Axmed Cumar ayaa ka mid ah saraakiil la sheegay inay ka carareen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, markii ay duqeymo xooggan ka dhaceen degaanno ku dhow Jilib.

Kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale banneeysay degaanno badan oo ku yaalla Gobolka Gedo, halkaasoo inta badan ay ka abaabuli jireen weerarrada ay ka geystaan qaybo ka mid ah Gobolka Waqooyi bari Kenya.

SONNA

Previous Post

Midowga Yurub oo mar kale ka digay xaaladda Qudus

Next Post

Dowladda Shiinaha oo Falastiin u Aqoonsanaysa Dowlad Madax bannaan

Next Post
Dowladda Shiinaha oo Falastiin u Aqoonsanaysa Dowlad Madax bannaan

Dowladda Shiinaha oo Falastiin u Aqoonsanaysa Dowlad Madax bannaan

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In