Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweyne looga hadlayay sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen carruurta ku jirta xeryaha qaxootiga oo lagu qabtay Jabuuti

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Maalinta qorista iyo akhriska adduunka oo laga xusay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweyne looga hadlayay sidii carruurta ku dhalata xeryaha Qaxtootiga ee ku yaala Geeska Afrika loogu heli lahaa adeeg waxbaraso ayaa ka furmay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirka waxaa ka soo qeygalay Wasiirada iyo wasiir ku-xigeenanda Waxbarashada ee dalalka Geeska Afrika, Wakiilo ka socday beesha caalamka, mas’uuliyiinta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo marti sharaf kale.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

Kulanka waxaa ugu horey ka hadlay Xogyaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhallinta ku dhalata xeryaha Qaxootiga inay helaan waxbarasho.

Mustafa Maxamed Maxamuud Wasiirka Waxbarashada ee Jabuuti oo shirka ka hadlay ayaa soo dhaweyn u mujiiyay Madaxdii shika ka soo qeyb gashay.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegay in kulanka uu ahmiyad gaar ah siinayo carruurta qaxootiga ah ee ku nool xeryaha dalalka geeska Afrika ku yaala.

Shirka waxaa looga dooday sida loo jiheyn karo waxbarashada dhallinyarada, isla markaana ay wax ku bartaan manhajka hadba dalka ay ku noolyihiin oo ay Qaxootiga ku yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed aya sheegay in kulanka uu muhiimad gaar ah u leeyahay isdhexgalka iyo wada noolaanshiyaha bulshada ku nool wadamada geeska Afrika, isla markaana xoogga lagu saarayo sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen dhalinta xeryaha qaxoogita ku nool, si la mid ah kuwa dalalka Geeska Afrika u dhashay oo kale.

Wasiiradii shirka ka qeyb galay ayaa waxa ay halkaasi ku wada saxiixdeen heshiis ku saabsan in dhalinta xeryaha Qaxootiga wadamada Geeska Afrika ku nool ay u heli lahaayeen adeegyo Waxbarasho oo tayaysan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in marka Qaxootiga dalkooda loogu soo celiyo ay u baahanyihiin waxbarasho, waxaana uu intaa ku daray in Wasaraddu ay xoogga saareyso sidii adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah ay u heli lahaayeen dhallinta Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya oo dhankiisa saxiixay heshiisan.

 

 

Previous Post

Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo kormeeray tuulooyin hoostaga Balcad

Next Post

Dowladda Federaalka oo xoojineysa isla-xisaabtanka Ciidanka XDS

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Dowladda Federaalka oo xoojineysa isla-xisaabtanka Ciidanka XDS

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In