Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka oo xoojineysa isla-xisaabtanka Ciidanka XDS

December 15, 2017
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo in muddo ah waday isla xisaabtanka hay’adaha Dowladda si loola dagaallamo musuqmaasuqa, ayaa bilowday daraasad lagu hubinaayo tirada ciidamada iyo bixinta mushaaraadka si ciidanka loogu dhiirrigeliyo dagaalka lagula jiro kooxaha aragaxisada ah.

Maadaama ay socoto daraasad lagu qiimeynayo awooda ciidanka (Operational Readiness Assessment) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka waxa ay isla garteen in muddo kooban la hakiyo taageerada cutubyo ka tirsan ciidanka XDS si dib u qaabayn loogu sameeyo gargaarka amniga.

Related posts

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022

Hakinta waxa ay salka ku haysaa keddib markii ay Dowladda Mareykanka soo dirtay guddi baaris ku sameeya meelaha lagu bixiyo kaalmada Mareykanku siiyo ciidamada bishii May ee sanadkan si dib u habeyn loogu sameeyo hannaanka loo caawiyo ciidamada iyo in la xaqiijiyo in kaalmada loogu talagalay ciidamadeenna ay gaaraan meelaha loo qoondeeyay. Guddigaas waxa ay daba socdeen in ay xaqiijiyaan sidii loo isticmaalay kaalmadii ay Mareykanu bixiyeen dhawrkii sano ee u dambeysay.

Markii uu Barlamaanku ansixiyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bishii Abriil ee sanadkan, waxaan albaabada u furnay saaxiibada naga taageera arrimaha ciidamada si aan u abuurno nidaam ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay guddi baaritaan kusoo sameeya tirada iyo tayada ciidamada Milatariga iyo Booliiska, meelaha ay kala joogaan iyo qalabka ay haystaan.

Hakintan wax saameyn ah kuma laha heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen 5tii bishan iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku ku bixiso cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Ciidamada XDS.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday in ciidamadeenna lagu diiwaangeliyo qaab electronic ah oo ka hortagaya in la musuqmaasuqo mushaaraadka ciidamada, laguna xaqiijinayo tirada iyo tayada ciidanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dib-u-habeyn dhab ah lagu sameeyo ciidamada iyo hay’adaha maaliyadda, lana xoojiyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladdda Mareykanka iyo Dowladaha kale ee aan saaxiibka nahay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay heshiisyadii labo dhinaclaha ahaa ee aan wada saxiixannay toddobaayadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, waxaan soo dhaweynaynaa warbixintii Sanduuqa Lacagta Adduunka uu sii daayay toddobaadkii hore kaas oo lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ku guuleysatay qorshihii ay sanadkan ku heshiiyeen hay’adda IMF kaas oo muujinaya in lagu kalsoonyahay hay’adaha maaliyadda dalka.

DHAMMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so

Previous Post

Shirweyne looga hadlayay sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen carruurta ku jirta xeryaha qaxootiga oo lagu qabtay Jabuuti

Next Post

Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf oo Gaalkacyo ka furay Gogol Nabadeed+(Sawirro)

Next Post
Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf oo Gaalkacyo ka furay Gogol Nabadeed+(Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf oo Gaalkacyo ka furay Gogol Nabadeed+(Sawirro)

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed...

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Masuuliyiinta ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In