Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweyne looga hadlayay sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen carruurta ku jirta xeryaha qaxootiga oo lagu qabtay Jabuuti

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 15, 2017
in Wararka
0
Maalinta qorista iyo akhriska adduunka oo laga xusay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweyne looga hadlayay sidii carruurta ku dhalata xeryaha Qaxtootiga ee ku yaala Geeska Afrika loogu heli lahaa adeeg waxbaraso ayaa ka furmay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirka waxaa ka soo qeygalay Wasiirada iyo wasiir ku-xigeenanda Waxbarashada ee dalalka Geeska Afrika, Wakiilo ka socday beesha caalamka, mas’uuliyiinta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo marti sharaf kale.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Kulanka waxaa ugu horey ka hadlay Xogyaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhallinta ku dhalata xeryaha Qaxootiga inay helaan waxbarasho.

Mustafa Maxamed Maxamuud Wasiirka Waxbarashada ee Jabuuti oo shirka ka hadlay ayaa soo dhaweyn u mujiiyay Madaxdii shika ka soo qeyb gashay.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegay in kulanka uu ahmiyad gaar ah siinayo carruurta qaxootiga ah ee ku nool xeryaha dalalka geeska Afrika ku yaala.

Shirka waxaa looga dooday sida loo jiheyn karo waxbarashada dhallinyarada, isla markaana ay wax ku bartaan manhajka hadba dalka ay ku noolyihiin oo ay Qaxootiga ku yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed aya sheegay in kulanka uu muhiimad gaar ah u leeyahay isdhexgalka iyo wada noolaanshiyaha bulshada ku nool wadamada geeska Afrika, isla markaana xoogga lagu saarayo sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen dhalinta xeryaha qaxoogita ku nool, si la mid ah kuwa dalalka Geeska Afrika u dhashay oo kale.

Wasiiradii shirka ka qeyb galay ayaa waxa ay halkaasi ku wada saxiixdeen heshiis ku saabsan in dhalinta xeryaha Qaxootiga wadamada Geeska Afrika ku nool ay u heli lahaayeen adeegyo Waxbarasho oo tayaysan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in marka Qaxootiga dalkooda loogu soo celiyo ay u baahanyihiin waxbarasho, waxaana uu intaa ku daray in Wasaraddu ay xoogga saareyso sidii adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah ay u heli lahaayeen dhallinta Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya oo dhankiisa saxiixay heshiisan.

 

 

Previous Post

Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo kormeeray tuulooyin hoostaga Balcad

Next Post

Dowladda Federaalka oo xoojineysa isla-xisaabtanka Ciidanka XDS

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Dowladda Federaalka oo xoojineysa isla-xisaabtanka Ciidanka XDS

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In