Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka sedexdii bilba mar qabsooma ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka (MoCA Forum) ayaa maanta si habsami leh uga furmay magaalada Garoowe, waxaana shirka furay Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Xaaji Cumar Cameey.

Kulanka maanta ee MoCA Forum waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Dastuurka ee XFS, Gudoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee Gobolka Banaadir, iyo Wasiirada Dawlad Goboleedyada (DG) ee Arrimaha Dastuurka.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Mudane Camey ayaa khudbad khiiro lahayd ku furay shirka isaga oo ku dheeraaday in wadashaqeynta la xoojiyo.

“Farxad bay ii tahay in aan maanta ka soo qaybgalo shirkan, waxa aan idiin xusuusinayaa in Madashan aysan noqon sida madalo hore oo aan danta shacabka Soomaaliyeed ka shaqayn jirin, Wasiirada DGyada waxa aan kula dardaarmayaa in ay garab istaagaan Wasiir Cabdi Xoosh oo laga fogaado khilaaf, si taa la mid ah waxa aan idin kula dardaarmayaa in aad xoojisaan wadashaqeynta iyo midnimadiina si looga miradhaliyo hawlaha baaxadda leh ee idiin horyaalla; shirkuna waa inoo furanyahay” ayuu yiri Mudane Cameey.

Intaa kadib Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay shirka isaga oo ka warbixiyay hawlihii Wasaaradda u qabsoomay sedexdii bil ee la soo dhaafay.

“Boqolkii maalin ee aan ka soo gudubnay waxa aan ku soo guuleysanay hawlo badan oo ay kamid ahaayeen heshiiskii aan la saxiixanay Guddiyada ay hawsha Qaran inaga dhaxeyso iyo sidoo kale diyaarinta Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo madasha inta ay socoto lagu soo bandhigi doono” ayuu yiri AVV Cabdi Xoosh.

Dhanka kale, Wasiirada DGyada ayaa dhankooda ka warbixiyeen waxqabadka Wasaaradahooda iyo hawlaha u qorsheeysan bilooyinka soo socda.

Ugu dambayn, shirka MoCA Forum ayaa la soo xiri doonaa maalinta Sabtida ah waxaana laga soo saari doona War-murtiyeed.

—–DHAMAAD—–

 

Previous Post

Xidigaha Xulka Jubbaland oo ku guuleystay tartanka cayaaraha Maamul Goboleedyada

Next Post

Maamulka Koonfur Gaalbeed oo Haweenka ku wacyi gelinaya ka qayb qaadashada Golaha Degaanka “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Koonfur Gaalbeed oo Haweenka ku wacyi gelinaya ka qayb qaadashada Golaha Degaanka “SAWIRRO”

Maamulka Koonfur Gaalbeed oo Haweenka ku wacyi gelinaya ka qayb qaadashada Golaha Degaanka "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In