Sunday, November 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay ansixinta miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay ansixinta miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ahย  guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hayโ€™adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

โ€œTani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay โ€“ waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hayโ€™adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed,โ€ ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ

November 15, 2026
Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

November 15, 2026

โ€œTani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,โ€ ayuu raaciyay. โ€œTani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen.โ€

Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee โ€˜Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennadaโ€™ (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika.

Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-2017.

โ€œWaxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hayโ€™adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah,โ€ ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. โ€œHawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay.โ€

Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu goโ€™aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay.

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag.

โ€œXasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas,โ€ ayuu yiri. โ€œWaxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hayโ€™adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed.โ€

Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991.

Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar laโ€™aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed โ€˜Farmaajoโ€™ ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa].

Previous Post

Dhageyso: Wafdi ka socda ย  Dowladda Turkiga oo gaaray Magaalada Cadaado

Next Post

Guddoomiye Thabit Masโ€™uul ku sifoobay Naxariis (Maqaal)

Next Post
Guddoomiye Thabit Masโ€™uul ku sifoobay Naxariis (Maqaal)

Guddoomiye Thabit Masโ€™uul ku sifoobay Naxariis (Maqaal)

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ

November 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku sameeyay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, oo...

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

November 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug Xuseen Maxamed Nuur (Dhagawayne) ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan...

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

November 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Nofeembar 2026, khudbad...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

November 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO;-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In