Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa sharaf weyn ah in aan dib u hanannay maamulka iyo maareynta hawadeenna.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waxaa sharaf weyn ah in aan dib u hanannay maamulka iyo maareynta hawadeenna.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay munaasabad lagu maamusayey dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta iyo qalabka hawada lagu maamulayo ayaa kormeeray shaqada ay hayaan khubarada Soomaaliyeed ee loo xilsaaray maareynta duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn noo ah in aan dib u hanannay maamulka iyo gacan ku heynta hawadeenna. Waxay tani qeyb ka tahay dadaallada aan ugu jirno sidii aan dib ugu hanan laheyn dowladnimo dhammeystiran.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in Dowladdu ay dardar gelinayso dadaallada Ilaalinta soohdimaha badda iyo xuduudaha barriga, taasina ay u baahantahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada dowladda iyo shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddii koobneyd ee dowladda shaqeynaysay ay ku guuleystay dib u soo celinta kalsoonida Beesha Caalamka ay ku qabaan Soomaaliya taas oo dhabbaha u xaareysa waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan horumar weyn ka sameynay dhanka maamulka maaliyadda dalka taas oo hay’adda lacagta Adduunka IMF ay qirtay in wadada saxda ah ay ku socoto siyaasadda dowladda ee dhanka maamulka maaliyadda.”

Dowladda Federaalka ah ayaa qorsheynaysa dhawaan in la furo dugsiga tababarka maamulka iyo maareynta hawada si loo diyaariyo aqoonyahanno iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay maamulka iyo maareynta hawada, kana hawlgala guud ahaan dalka.

Masuuliyiinta kale ee madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay Shirkadaha Duulimaadyada Caalamiga ah in ay dalka ka bilaabaan duulimaadyadooda tooska ah maadaama Soomaaliya ay buuxisay sharciyada duulimaadyada caalamiga ah.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail:[email protected]

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale cafis u fidiyey dhalinyaradda la Khalday ee Nabad diidka u dagaalanta

Next Post

Xaflad soo Dhaweyn ah oo Madaxtooyadda Koofur Galbeed loogu qabtay Golayaasha xeer dejinta ee Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyadda.

Next Post
Xaflad soo Dhaweyn ah oo Madaxtooyadda Koofur Galbeed loogu qabtay Golayaasha xeer dejinta ee Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyadda.

Xaflad soo Dhaweyn ah oo Madaxtooyadda Koofur Galbeed loogu qabtay Golayaasha xeer dejinta ee Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyadda.

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan...

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey'adda Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan ahayn mid ku kooban hal hay’ad oo keliya...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed...

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In