Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Naadiga Maskaxshiil oo Arday u soo gababeyay Tababar ku saabsan Qoraalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Naadiga Maskaxshiil oo Arday u soo gababeyay Tababar ku saabsan Qoraalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Maskaxshiil ayaa todobaadkan soo gabagabeyey tababar ku saabsan dhiiragelinta Qoraalka iyo Akhriska, kaasoo ay u qabatay in ku dhow 50 Arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdho qaarkood wax kadhigta Jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo la xiriira tababaro kale oo loogu magacdaray qoraakaab oo mudooyinkaanba Naadiga uu waday ayaa socday muddo saddex cisho, waxaana  inta uu socday lagu qaadanayey casharo la xiriira hannaanka loo qoro qoraalada, gaar ahaan sheekooyinka, qoraalada cilmiga  iyo faa’idooyinka wax akhriska, iyadoo ay wax ka dhigayeen Macalimiin Khubaro ah kuwaasoo qoray buugaag kala duwan oo bulshada faa’ido u leh,

Related posts

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026

Guddoomiyaha Naadiga Qoraalka iyo Wax-akhriska ee Maskaxshiil  Mudane Suldaan Neyruus oo ka hadlayey gabagabada Tababarka ayaa sheegay in ujeeddada tababarka ay tahay sidii dhallinyarada Soomaaliyed loogu dhiirigelin lahaa inay wax Akhriyaan si Maskaxdooda ay u kobacdo, islamarkaana ay ugu sahlanaato inay wax qoraan.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qeybgashay tababarka ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay qaataan tababar la xiriira qoraalka iyo AKhriska, taasina ay ka saacideyso inay u fududaato sheekooyinka ay rabaan inay wax ka qoraan, iyagoo ballan qaaday inay qoraalka iyo Akhrisba Noloshooda  ku dabaqi doonaan.

Ma ahan tababarkii ugu horeeyey oo Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Maskaxshiil uu qabto tababar nuucaani oo kale ah, kaasoo ku saabsan diyaarinta qoraalka iyo dhiiragalinta wax Akhriska, waxaana haddii la joogteeyo arintan ay wax badan ka badeli doontaa garaadka iyo maskaxda  dhallinyaro badan oo aan hore wax u akhrin jirin una qori jirin.

Naadiga Maskaxshiil waxaa Aasaasay Dhallinyaro Aqoonyahano ah kuwaasoo go’aansaday in dhallinyarada aynigooda ah ay ku dhiiragaliyaan sidii ay ugu dadaali lahaayeen Akhriska iyo Qoraalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Daah-furay Madasha AGA ee Horumarinta Afka Hooyo “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo dib ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Jawaari oo dib ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Guddoomiye Jawaari oo dib ugu soo laabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In