Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 21 ee ka howlgala Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Howlgalo Ciidamada ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug.
Taliyaha qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga Dalkaย General Cabdulaahi Aadan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaaย sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Sooomaaliyeed ku guulaysteen in ay kala qaadaan maleeshiyaad ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku Dagaalamay Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolkaasi.
Taliyeย Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in Magaalada Gaalkacyo Dagaal ku dhexe maro dadka walaalaha ah Ciidamada Xoogguna tilaabo ka qadi daan cid kasta oo loo arko in ay Amniga wax u dhibayso.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Taliyaha: