Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray qeybo ka mid ah Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo kormeeray qeybo ka mid ah Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu tahay bilawga sanadka cusub 01 January 2018 kormeer shaqo ku tegey qaybo kamid ah magaalada Gaalkacayo.

Kormeerka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

May 10, 2026

Dr Cabdiweli Gaas ayaa ugu horayn ka qayb galay bandhigga mashruuca garoonka Cawaalle Liibaan oo si iskaa wax u qabso ah looga hirgelin doono magaalada Gaalkacyo, kaas oo noqon doona sida qorshuhu yahay [Insha Alla] garoon cagaaran oo loo dhisi doono mid lamida garoomada waaweyn ee caalamka ka jira.

Guddiga loo igmaday dhismaha garoonka ayaa soo bandhigay qaab dhismeed uu yeelan doono garoonku, waxaana ay iyana soo bandhigeen sida ugu sahlan ee looga qayb-qaadan karo hirgelinta dhismaha garoonka Cawaalle Liibaan, Madaxweynaha Puntland oo ka jawaabay qaadhaanka dawladda loo asteeyey ayaa sheegay in dawladdu bixinayso isla wakhtigaasi lagu gudajirey madasha bandhigga dhismaha garoonka Cawaale Liibaan.

“Waxaad kasoo qaadaan lacagta qaaraanka ah ee aad nagu qorateen inay jeebkiina ku jirto hadda, waxaan rabnaa inuu mashruucani sida ugu wanaagsan u hirgalo, noqdo mid socda oo gobolada oo dhan gaara, waxaan rabaa qaybaha kala duwan ee bulshada inaan ku booriyo inay iyana ka qayb qaataan dhismaha garoonka gaar ahaan qurba joogta, ganacsatada iyo bulshada rayid ka ahba ee dhammaantood qaybta ka ah ka qayb-qaata yaasha dhismaha garoonka” ayuu yiri Dr Cabdiweli.

“Garoonka waxaa loogu magacdaray Maxamed Cawaale Libaan oo inaga mudan tariikh, waa aasaasihii calanka Soomaaliyeed, inuu qurux badnaado oo dhammaystirnaadaa waxaynu u hiilinay marxuunka, waayo waxaynu illaalinay tariikhda magaciisa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dhismaha goobta lagu soo bandhigayey qaab dhismeedka garoonka Cawaale, waxaana uu sheegay in ay hirgelisey mashruucani hay’adda SSF [ Somali Stability Fund ], isla markaana waxa uu xusay in mashruucani Puntland wax badan kaga faa’iidaysatay kaabidda adeegyada bulshada, sida dhismayaasha saldhigyada, maxkamaddaha, ceel biyoodyo, layrar-ka cadceedda ku shaqeeya [solar system] iyo garoon kani cagaaran oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Gaalkacayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku booriyey shacabka Puntland inay ku dhiiradaan wax wada qabsiga, iskaashiga, hal abuurka, horumarka, nabadaynta iyo xasilinta dalkooda, isla markaana aanay ka daalin isku tashiga ay ku horumarsadeen dhulkooda.

Ugu danbayn, Dr. Cabdiweli Maxamd Cali Gaas ayaa intaasi kadib kulan casho sharaf ah laqaatay waxgarad, aqoon-yahano, siyaasiyiin, isimo, culuma-awdiin, nabadoono iyo waxgarad kale, waxaana casha sharafta oo lagu marti qaaday Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kale ee wehlinayseyba ayaa ka dhacday guriga maamo Xaawo Aadan ee magaalada Gaalkacayo.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Doolow, kuna wajahan Belad-Xaawo

Next Post

Dhageyso: Shir Dibu heshiisiina oo maanta ka furmaya Degmada Dooloow

Next Post
Dhageyso: Shir Dibu heshiisiina oo maanta ka furmaya Degmada Dooloow

Dhageyso: Shir Dibu heshiisiina oo maanta ka furmaya Degmada Dooloow

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

May 10, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In