Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Puntland oo baneeyey Waddooyin kala Xirnaa ee Gaalkacayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Puntland oo baneeyey Waddooyin kala Xirnaa ee Gaalkacayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03 January 2018 waxaa uu baneeyey waddooyin kala xirnaa ee magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa ku welinayay banaynta waddooyinkaasi maamulka labada dhinac ee Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad, masuuliyiin ka socday Dowlad Goboleedka Galmudug, Taliska ciidanka isku dhafka Soomaaliyeed, taliya ciidamada Puntland iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn qaaday jid gooyadii ugu horaysay ee goobtaasi, waxaana ay ahayd jawaano ciid ah oo latuuray wadooyinka soo gala suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo, kala xirnaanta ganacsiga magaalada Gaalkacayo ayaa waxa ay carqalad ku ahaayeen ganacsiga, horumarka iyo Nabadda guud ahaan Gobolka Mudug, xirnaashaha wadooyinkaan ayaa waxaa sabab u ahaa dagaaladii ka dhacay magaalada kuwaas oo inta badan u dhexeeyay shacabka walaalaha ah ee kuwada nool magaalada Gaalkacyo.

“Wanaag badan ayaa ii muuqda sharaf bayna nootahay in aan maanta bartamihii suuqa Gaalkacayo isugu nimaadno, caqabadihii u danbeeyay oo taagnaa oo ahaa ciidda ladhoobay iyo kala xirnaanta ganacsiga in aan dhamystirno, shaqadii ay bilaabeen Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Jenaral Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Jenaralada halka inala taagan iyo maamulka Degmo ee Gaalkacayo iyo Gudoomiyayaasha gobolka dhammaantood aad ayay umahadsanyihiin shaqa fiican ayay bilaabeen dhamystirkii weyaan, anigu wax aan maanta meesha ujoognaa dad badan oo samaha jecel ayaa hawshaan ka qayb qaatay oo ay ugu horeeyaan oday yaasha ganacsatada”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan rajaynayaa cidwalbi in ay wanaagaas ka qay qaadato, ganacsade raba in uu iibsado bakhaarkiisa oo irsaaqad raadinaya hadana in ciidi ay utaal maaha wax sax ah, waxaan rabnaa marka meelkasta iyo jid kasta oo xiran oo Gaalkacyo ah waa in lafuraa maamulka gobolka kan degmada ciidamada dhammaantood amar ayay uqabaan in ay furaan cidna in aan loo tixgelin cidii caqabad kunoqota nabadgelyada iyo horumarka Gaalkacayo gacan bir ah in lagu qabto weeyaan”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Ciidankii Booliiska ee isku dhafka ahaa waa joogaa labada dhinacba, waa joogaan ciidankii milateriga ahaa meeshii ay degi lahaayeen waanu u astaynay waxaan rabnaa in lala shaqeeyo oo lagarab qabto oo lagu taageero nabada ay kashaqaynayaan waxaa laga shaqaynayaana waa horumarkiina, ganacsigiina, waa in ilmihiinu nabad wax ku bartaan. ayuu yiri Dr Cabdiweli Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay kuna booriyey shacabka magaalada Gaalkacayo inay ka wada shaqeeyaan nabad gelyada, horumarka iyo xasiloonida magaaladooda, isla markaana ay u hogaan sanaadaan ciidamada ka shaqaynayaa amnigooda iyo xasiloonidooda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Wax-qabadka Wasaaradda Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Dawladda waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed“ SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre “Dawladda waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed“ SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre “Dawladda waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed“ SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In