Friday, May 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge sare oo Maleeshiyada Alshabaab ka tirsan oo Ciidamada Ammaanka isku soo dhiibay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Horjooge sare oo Maleeshiyada Alshabaab ka tirsan oo Ciidamada Ammaanka isku soo dhiibay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan Degmadda Dooloow ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa isku soo dhiibay Horjooge sare oo ka tirsan Nabad diidka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, kaasi oo sheegay in Kooxdaasi uu isaga tagay dhibaatooyin fara badan oo uu kala kulmay Awgeed.

Horjoogaha Ciidamada Ammaanka isku soo dhiibay, ayaa waxaa lagu magacaabaa Aadan Ibraahim, waxaana uu kamid ahaa Horjoogeyaasha  Nabad diidka Argagixisada Alshabaab u qaabilsan dhanka Howlgalada iyo Aruurinta Lacagta baadda ah ee Shacabka ay ka qaadaan.

Related posts

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

May 8, 2026
Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026

Horjooge Aadan Ibraahim, ayaa mar uu ka hadlayey sababihii uu isku soo dhiibay, waxa uu sheegay in Kooxda Alshabaab hadda dhexdooda uu ka jiro kala shaki aad u weyn, islamarkaana ay bilaabeen inay is dilaan dhexdooda, dhibaato kala duwanna loo geysto dhalinyaro badan oo Kooxdaasi daacad u ah,  isaggoo xusay inuu u dulqaadan waayey Xasuuqa ay u geysanayaan dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Aadan Ibraahim, ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka kor ku xusan iyaddoo ay jiraan, cabsi badanna uu ka qabay inuu Dowladda isku soo dhiibo ay soo gaartay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markale Cafis u fidiyey dhalinyaradda kamidka ah Nabad diidka, si ay isku soo dhiibaan, fursadaasna uu ka faa’iideystay, sidaasna uu ku yimid degmadda Dooloow ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda Degmadda Dooloow oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay kuwa ka tirsan Nabad diidka ee ka  faa’iideysanaya Cafiska Madaxweynaha ay soo dhoweynayaan, waxaana wali kuwa ku harsan Kooxda Alshabaab uu ugu baaqay inay fursadda dowladda ay ka faa’iideystaan.

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ku howlan Ciidanka Xoogga in loo diiwaan geliyo Akoonkooda gaarka ah, si loogu shubo Mishaarkooda

Next Post

Dhageyso: Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo faah faahin ka bixisay Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka

Next Post
Dhageyso: Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo faah faahin ka bixisay Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka

Dhageyso: Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo faah faahin ka bixisay Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

May 8, 2026
0

Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo masuuliyiin kale ayaa xay Muqdisho...

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In