Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tafaasiil dheeraada ka bixisay Labaynta iyo Dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaasoo maleeshiyaadka Nabad iyi nolal diidka ah ee AL shabaab kula jira Dagaal Xooggan.
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cali Xagaa oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA oo bah wadaag la ah Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu meel wanaasan marayo Dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Soomaaliya.
Maxamed Cali Xagaaย Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliyaย ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka ee ay tababarayso Dowladda Turkigaย ay yihiin kuwa qaadanaya Tababar Casri ah oo ka duwan kuwii horay ay u heli jireen Ciidamada Xoogga Dalka maadaama ay joogaan Dalkoodii lana siiyay Hub Casri ah oo ka duwan kii Ciidamada Xooggu ku Dagaalami jireen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal Xooggan uguย jirta Dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan Amaanka Dalka oo dhan loogana maarmo Kaalmada Ciidan ee Caalamku siiyo Soomaaliya.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Wasiir Xagaa: