Saturday, July 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo siminaar u furay macalimiin

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 6, 2018
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada oo siminaar u furay macalimiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta siminaar socon doona shan maalin ugu  furay magaalada Muqdisho 25 Macalimiin oo ka kala yimiid Gobollada Dalka iyo Gobolka Benaadir.

Siminaarkan ayaa lagu bixinayaa casharo la xariira maareynta iyo qorsheynta tayada heerka Waxbarashada oo la siin doono guddoonada iyo kormeerayaasha Waxbarasho ee dalka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

July 25, 2025
Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidamada Xoogga oo ka hortegay weerar ay Khawaarijtu ku qaaday Sabiib iyo Caanoole

July 25, 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan Maxamed Cali ayaa kula dardaarmay  macalimiinta tababarkan qaadanaysa in ay ka faa’iideestan casharada la siinayo, ayna noqdaan kuwa u sii gudbiya ardayda ay waxbarayaan.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa daahfuray siminaarkan, isagoo macalimiinta u rajeeyay in waxyaabaha ay ka faa’idaystaan in bulshada ay ku celin doonaan.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan  oo ay Wehlinayeen madaxda Wasaaradda  ayaa  kormeer ku tegay Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo uu halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan iyo Taliye ku xigeenkiisa.

Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo uu weliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa kormeerey iskuulka ay wax ku bartaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, xiligaasi oo maxaabiista la siinayay cashiro la xariira taariikhda Dalka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ugu deeqay dhallinyarada maxaabiista ah ee wax ku barta Iskuulka Xabsiga dhexe agab waxbarasho.

Previous Post

Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb oo dib u dhis lagu sameynayo “Dhageyso”

Next Post

Shir dib-u-heshiisiin ah oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Doolow

Next Post
Shir dib-u-heshiisiin ah oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Doolow

Shir dib-u-heshiisiin ah oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Doolow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

July 25, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidamada Xoogga oo ka hortegay weerar ay Khawaarijtu ku qaaday Sabiib iyo Caanoole

July 25, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abbaaraha 6:20...

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

July 25, 2025
0

Cudurka Kaduudiye ama Kaduudshe (Af Ingiriis : Chikungunya, Af Carabi : ar‎) waa xanuun uu keeno fayruska Chikungunya, qofka uu...

DEG DEG Khawaarij lagu laayey Gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaal culus oo ka socda.

DEG DEG Khawaarij lagu laayey Gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaal culus oo ka socda.

July 25, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caari ah oo ay Khawaarijtu kusoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In