Kuxigeenka wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Simon Mulongo oo magaalada Muqdisho abaalmarino ku gudoonsiinayay saraakiil kamid ah booliska Amisom oo waajibaadkoodi gudanayay,ayaa munaasabadaasi ka sheegay in ay wadaan qorshe ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada ciidanka booliska Soomaaliyeed,taasi oo sahlaysa in ay amniga dalka kala wareegaan Amisom.
“sanadkani waxaana doonaynaa in aanu xoojino tababarada iyo dhiirogelinta ciidanka booliska Soomaaliyeed,si kor loogu qaado heerka ahaatan ay taagan yihiin,heer federaal iyo heer dowlada goboleedba,waxaana diiradda saaraynaa si tayada loo xoojinayo nuuca tababarada ah oo ay u baahan yihiin ‘, Ayu yiri Simon Mulongo .
Simon Mulongo oo ah ku xigeenka Wakiilka Amisom ee Soomaaliya ayaa ku amaanay ciidamada booliska Amisom gaar ahaan qeybta ka socota Dalka Nigeria oo kusugan Soomaaliya dowrka ay ka qaadanayaan wadashaqeynta kala dhexeysa ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay ka sacidiin dhankasta,si ay waajibaadkoodi ugu gutaan si hufan.