Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Xalay ku hoyday Caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Xalay ku hoyday Caasimadda Galmudug ee  dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Magaalada dhuusamareeb ee Xaruunta Gobolka Galguduud ahna Caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Gobolada dhexe.

Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe gaaray Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug hal kaasoo ay ku dhaweeyeen xubno ka tirsan dowladda Federaalka Somaaliya,Galmudug, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa safar dhulka ah ku tegan Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyadoo socdaalkiisa ay ku wehlinayeen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay madaxda Galmudug,qeybaha bulshada iyo qaar ka tirsan madaxda Maamulada qeybta ka ah dowladda dhexe kuwaasoo ku sugan Magaalada dhuusamareeb sida madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare.

Maanta ayaa la filayaa in uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya kulamo kale la qaato qeybaha bulshada iyadoo halkaasi ay gaari doonaan madaxda maamulada kale sida Jubbaland ,Puntland iyo koonfur galbeed Soomaaliya kuwaas oo  goobjoog ka noqon doona dhamaystirka heshiiskii Galmudug iyo ahlusuna ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayna garwadeen ka ahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa gaari doona sida uu qorshu yahay Degmooyinka Cabudwaaq iyo Guraceel oo ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu ku marayo deegaanada hoos yimaada dowlad goboleedyada  Puntland iyo Galmudug gobolada dhexe ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ugu kuurgalayso baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo xoojinta Dowladnimada.

Safarka mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa baal dahaba ka galay taariikhda Dowladnimada Soomaaliya maadaama uu yahay Madaxweynihi ugu horeeyay oo safar dhulka ah ku maray afar Gobol oo ka tirsan Dalka iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay u dhaweeynayeen si haanan sare leh.

 

Previous Post

Sawirro: kulankan lagu soo dhoweynayey dhismaha wadada isku xiridoonta deegaanada kalabayr iyo caluula Oo Ka Qabsoomay boosaaso

Next Post

Somali National Army conduct operation in middle Shabelle

Next Post
Somali National Army conduct operation in middle Shabelle

Somali National Army conduct operation in middle Shabelle

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In