Thursday, August 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Xalay ku hoyday Caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Xalay ku hoyday Caasimadda Galmudug ee  dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Magaalada dhuusamareeb ee Xaruunta Gobolka Galguduud ahna Caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Gobolada dhexe.

Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe gaaray Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug hal kaasoo ay ku dhaweeyeen xubno ka tirsan dowladda Federaalka Somaaliya,Galmudug, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa safar dhulka ah ku tegan Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyadoo socdaalkiisa ay ku wehlinayeen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay madaxda Galmudug,qeybaha bulshada iyo qaar ka tirsan madaxda Maamulada qeybta ka ah dowladda dhexe kuwaasoo ku sugan Magaalada dhuusamareeb sida madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare.

Maanta ayaa la filayaa in uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya kulamo kale la qaato qeybaha bulshada iyadoo halkaasi ay gaari doonaan madaxda maamulada kale sida Jubbaland ,Puntland iyo koonfur galbeed Soomaaliya kuwaas oo  goobjoog ka noqon doona dhamaystirka heshiiskii Galmudug iyo ahlusuna ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayna garwadeen ka ahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa gaari doona sida uu qorshu yahay Degmooyinka Cabudwaaq iyo Guraceel oo ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu ku marayo deegaanada hoos yimaada dowlad goboleedyada  Puntland iyo Galmudug gobolada dhexe ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ugu kuurgalayso baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo xoojinta Dowladnimada.

Safarka mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa baal dahaba ka galay taariikhda Dowladnimada Soomaaliya maadaama uu yahay Madaxweynihi ugu horeeyay oo safar dhulka ah ku maray afar Gobol oo ka tirsan Dalka iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay u dhaweeynayeen si haanan sare leh.

 

Previous Post

Sawirro: kulankan lagu soo dhoweynayey dhismaha wadada isku xiridoonta deegaanada kalabayr iyo caluula Oo Ka Qabsoomay boosaaso

Next Post

Somali National Army conduct operation in middle Shabelle

Next Post
Somali National Army conduct operation in middle Shabelle

Somali National Army conduct operation in middle Shabelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 500 oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay...

Mas’uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

Mas’uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

August 12, 2026
0

Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, iyo maareeyayaashii hore ee soo maray Dekedda Muqdisho ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay janaasada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In