Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya Micheal Keating, oo xafladda midowga Galmudug iyo Ahlusunna ee lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan heshiiskan dhaxal galka ah.
Mr:Keating ayaa sheegay inay Magaalada Dhuusamareeb ka hirgelin doonaan Xafiiska Qaramada Midoobay, si ay u fududaato wada shaqayn ay la yeeshaan Galmudug.
Wakiilka QM Soomaaliya ayaa sidoo kale ballan qaaday inay si weyn u garab istaagi doonaan dowlad goboleedka Galmudug, iyagoo ka qayb qaadan doona dib u dhiska maamulkaasi.