Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Maxaabiis laga soo daayay Dalka Hindiya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Maxaabiis laga soo daayay Dalka Hindiya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19 January 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Maxaabiis laga soo daayay Dalka Hindiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Goloha Shacabka Soomaaliya, Mahad Cabdalle Cawad, ayaa caawa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ku soo dhaweeyeen 41 maxaaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo ku xirnaa dalka Hindiya . Kuwaas oo dib u helay xoriyadoodii, ka dib dadaalo badan oo ay samaysay dawladda Soomaaliya, si loo sii daayo muwaadiniinteeda.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Qaar ka mid ah goloha Wasiirada Soomaaliya, Xil-dhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo dhawaynta maxaabiista ku waheliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxyna si marxaba ku jirto dhalinyarada ugu soo dhaweeyeen dalkooda hooyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in markale ay soo dhaweeyaan muwaadiiniin Soomaaliyeed, oo si yaabo kala duwan ugu xirnaa dalka Hindiya. Waxayna ka turjumaysaa sida ay xukuumadda Soomaaliya ugu dadaalayso in dhamaan maxaabiista Soomaaliyeed laga soo daayo wadamada ay ku xirin yihiin, lana dareen siiyo in ay dawlad lee yihiin.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa intii dhalinyaradeenaay dalka dibadiisa ku xiranyihiin ma nasandoono, waana soo dayndoonaa. Xukuumaduna waxay ka shaqaynaysaa sidii ay muwaadiniinteeda ugu gurman lahayd, taas oo ah waajib nasaaran. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo Safiirka dalka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, oo maxaabiista ku waheliyay safarka ayaa tilmaamay in dhalinyaradan lagu soo daayay heshiis dhexmaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dawladda Hindiya, kaas oo sahlay in ay dib u helaan xoriyadoodii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmamay hadii ay gacmaha is qabsadaan shacabka iyo dawladooda, in maalin walba guul iyo horumar wanaagsan samayndoono. Sidoo kalena waxuu u hambalyeeyay dhamaan dadkii ka shaqeeyay guushan, isagoona u mahed celiyay hay’addaha dawliga ah ee ku howlan soo daynta maxabiista Soomalaiyeed.

—DHAMMAAD—-

Previous Post

Maxaabiis laga keeney Dalka India oo garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey shacabka Guriceel halgankii ay kaga guuleysteen argagixisada Al-shabaab

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey shacabka Guriceel halgankii ay kaga guuleysteen argagixisada Al-shabaab

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey shacabka Guriceel halgankii ay kaga guuleysteen argagixisada Al-shabaab

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In