Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey shacabka Guriceel halgankii ay kaga guuleysteen argagixisada Al-shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey shacabka Guriceel halgankii ay kaga guuleysteen argagixisada Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guriceel, 19 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Guriceel ee Gobolka Gallguduud.

Madaxweyne Farmaajo oo meel fagaare ah kula hadlay shacabweynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ayaa ku ammaanay halgankii dheeraa ee dadka deegaanku ay kaga hortageen mileyshiyaadka Alshabaab.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

“Waxaan ognahay in magaaladan ay tahay middii ugu horreysay Soomaaliya ee Alshabaab la dagaalanta, taasina waxa ay ka tarjumeysaa soomaalinimadiina, diin iyo dal jaceylkiinna.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay wax ka qabashada baahiyaha shacabka sidaa darteedna laga hirgelinayo magaalada Guriceel mashaariic ay ka mid tahay kor u qaadista xirfadaha shaqo iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor inta uusan ka soo safrin magaalada Dhuusamareeb waxa uu halkaas ka dhagax dhigay mashaariic kor loogu qaadayo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Mashaariicdaas oo si wada jir ah ay u dhagax dhigeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ka mid ah dhismaha garoonka diyaaradaha iyo xabsiga magaalada Dhuusamareeb, xarunta agoomaha iyo dayactirka laamiga isku xira Gobollada Dhexe

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ah, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale oo qeyb ka ah socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti qaadkan loogu sameeyey hooyga Ugaaska uu ka degenyahay magaalada Guriceel ayaa uga mahad celiyey hoggaanka iyo bulshada magaalada diirranaanta ay u soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay gobolka Galguduud waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

 –DHAMMAAD–

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Maxaabiis laga soo daayay Dalka Hindiya “SAWIRRO”

Next Post

Xubnaha Aqalka sare ee  Mareykanka oo hakiyay miisaaniyada xukuumadda

Next Post
Xubnaha Aqalka sare ee  Mareykanka oo hakiyay miisaaniyada xukuumadda

Xubnaha Aqalka sare ee  Mareykanka oo hakiyay miisaaniyada xukuumadda

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In