Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa Ciidamadeeda nabad ilaalinta ee ka howlgalaya qaar ka mid ah goobaha ugu khatarta badan ee Dunida oo dagaaladu ay aafeeyeen ayaa loogu baaqay in ay diyaar u noqdaan isla markaana ay awood isticmaalaan si ay isu difaacaan haddii ay halis dareemaan.
Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Gutters Warbixin cusub oo loo gudbiyay ayaa lagu sheegay in 56 ka mid ah ciidamada Qaramada Midoobay la dilay sanadkii tagay ee 2017,taasi oo ka dhigan in Tan iyo sanadkii 2013, 195 ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ay ku dhintay weerarro lagu soo qaaday xarumaha ay kaga sugan yihiin wadamada Caalamka.
Waxaa la sheegay in Tiradaasi dhimashada ay tahay tii ugu badneyd abid ee Qaramada Midoobay soo marta muddo intaa dhan,waxaana ugu badan wadamada xasaraduhu ay kajiraan sida Qaaradad Afrika.
Warbixintan oo ay diyaariyeen khubaro dhanka ammaanka ah ayaa lagu sheegay in hadda la joogo xilligii ay nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay ka hortagi lahaayeen weerarrada ka dhanka ah.
Khubarada ayaa ku doodaya in calanka Qaramada Midoobay aan sidii hore loo xurmeyn, askarta nabad ilaalintana looga baahan yahay inay ka hortagaan khatarta kusoo wajahan ayagoo adeegsana awood haddii loo baahdo.
Sidoo kale warbixintaasi ayaa lagu sheegay in Howlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ay ka waddo qaaradda Afrika ay yihiin kuwa ugu dhimashada badan, warbixintuna waxa ay sheegaysaa in khasaarahaasi laga hortagi karo haddii ciidamada la siiyo tababar ku filan ka hor inta aan loo dirin nabad ilaalinta