Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in musharixiinta u tartamaya saddax kursi oo ka banaan Golaha shacabka looga baahan yahay inay isasoo diiwaan galiyaan ilaa 5-ta Bisha soo socota ee Febraury ,odayaasha dhaqankana looga baahan yahay inay soo gudbiyaam liiska Ergada doorashada ka qeybgalaya.
“laga bilaabo maanta oo ah 31-Janaury laga bilaabo ilaa inta laga gaarayo shanta Bisha soo socota ayay musraxiinta kuraasta u tartamaya fursad u hesytaan inay isasoo diiwaan galiyaan si shahaadooyin loo siiyo ,odayaashii ku jiray 135-ta oday ayagana waa inay soo gudbiyaan magacyada Ergada si loo guda galo doorashada kuraasta ka banaan Golaha shacabka oo degaan doorashoodu kala tahay Muqdisho,Kismaayo iyo Cadaado” sidaas ayay hadalkeeda sii raacisay Gudoomiye Xaliimo Yarey.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sidookale sheegtay in Guddigu si cadaalad kujirto oo korjoogto kala duwan ย iyo Warbaahintu goobjoog ka yihiin uu u qaban doono doorashada Kuraastaas ka bannaan Goolaha Shacabka.
dhawaan ayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka magaalada waxa uu Magaalada Jowhar ku qabtay ย Doorashada kursi kamid ahaa kuwa ka banaan Golaha Shacabka oo uu ku guuleystay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle.