|
Ururka Midowga Afrika ayaa dhaleeceeyay dhaarintii taageerayaasha xisbiga NASA ay u dhaariyeen xilka madaxtinimo ee Dalka Kenya hoggaamiyahooda Railla Odinga 30-kii January ee Sanadkan. Guddoomiyaha golaha midowga Afrika Moussa Faki Mahamat; ayaa war uu soo dhigay baraha bulshada, waxa uu ku sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda Kenya, isla markaana aan la aqbali Karin tallaabadan. Mr; Moussa Faki Mahamat ayaa intaa raaciyay in Midowga Afrika ay ku kalsoon yihiin Kormeerayaasha doorashooyinka ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Thabo Mbeki,natiijadaas oo ay ansixisay Maxkamadda Sare ee dalka Kenya. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkani ay kasoo hor jeedaan axdiga dimoqraadiga ee qaaradda Afrika iyo qaanuunka ugu degsan doorashooyin isla markaana aysan aqbali doonin wixii ka soo horjeeda dastuurka. |
Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...












