Wednesday, June 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muhiimadda Shirka Amniga Qaranka ee dhawaan Muqdisho ka furmi doona

caqiil by caqiil
February 5, 2018
in Wararka
0
Muhiimadda Shirka Amniga Qaranka ee dhawaan Muqdisho ka furmi doona
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

June 25, 2025
Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

June 25, 2025

Shirka Amniga Qaranka waa shir sadexdii biloodba mar la qabto, waxaa looga hadlaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, wixii qabsoomay mudada labada shir u dhaxaysa iyo wixii aan qabsoomin, waxaana ka qaybgala Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkan waxa uu ka mid yahay qorsheyaashii ugu horreeyey ee uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo maadama uu ka farcamay heshiiskii amni ee 17ii  Abriil, 2017 ay wada galeen Xukuumadda, Madaxda Dowladda Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeeyo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

Kulanka kama soo qeyb galaan cid aan Soomaali ahayn, waxaana abaabulkiisa iyo kharashaadka ku baxa bixiya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Shirkan caadi ahaan waxa uu socdaa muddo 2 ilaa 3 malmood ah Waxaana guddoomiya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Taliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya

Tan iyo markii la asaasay Madasha Amniga Qaranka ma jirto xubin ka maqnaaatay ka qayb galka shirarkeeda, marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka maqnaaday Shirkii bishii December ee sanadkii tagay 2017kii. Xiligaas oo uu u cudur daartay saxiixa heshiiskii Jabuuti uu kula galayey maamulka Ahlu Sunna.

Qodobada ka soo baxa Shirka Amniga Qaranka waa kuwa ugu saameynta badan shirarka heer Qaran, iyadoona sidoo kale aan lagu  koobin arrimaha amniga oo kaliya ee lagu falanqeeyo arrimaha Siyaasadda, Dastuurka, Doorashooyinka iyo Federaalaynta.

Arrimaha ilaa haatan guulaha lagaga gaaray waxaa ka mid ah midaynta qorsheyaasha iyo cududda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, hannaanka dib u qaabaynta ciidamada iyo xasilinta siyaasadda dalka.

Sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka ayaa la horgeeynayaa Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h).

Previous Post

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Next Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka warbaixiyay safar uu ku tagay dalka Suudaan”Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  oo ka warbaixiyay safar uu ku tagay dalka Suudaan”Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka warbaixiyay safar uu ku tagay dalka Suudaan''Sawirro''

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

June 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta...

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

June 25, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyay...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madax hore si loo dardargeliyo Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madax hore si loo dardargeliyo Wadatashiga Qaran

June 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In