Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, kadib kulan gaar ah oo xarunta Dawladda Hoose ee Xamar ku dhex maray Guddoomiye Yarisow iyo Safiirka Jamhuuriyadda DJabuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan.

Mudane Cabdiraxmaan Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo laga duulayo xiriirka soo jiraanka ah ee ka dhexeeya labada dalka ee walaalaha ah in dhowaan ay booqasho ku imaan doonto Muqdisho Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, booqashadan ayaana sii xoojin doonta xiriirka iyo wada shaqeynta labada Caasimadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Dalka Djibuti kaalin mug leh ayuu ku leeyahay horumarka ballaaran ee ay higsanayaan ummadda Soomaaliyeed. Muqdisho waxaa dhowaan noogu imaan doonta Duqa Caasimadda Jabuti oo booqashadeedu sii xoojin doonto xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada Caasimadood ka dhexeeya”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng Yarisow.

Safiirka Jamhuuriyadda DJabuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan waxa uu guddoomiyaha uga mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoo tilmaamay in Muqdisho u tahay meel kamid ah dhulkiisa, isla markaana uu kala shaqeynayo maamulka gobolka Benaadir horumarinta Caasimadda.

Previous Post

200 Arday oo Imtixaan u galay Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka+Sawirro

Next Post

Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Muqdisho ka socda

Next Post
Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Muqdisho ka socda

Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Muqdisho ka socda

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In