Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Muqdisho ka socda

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026

 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoominaya Fadhi ka mid ah Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka sanadka 2020 iyo dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka dalka.

Waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, wasiiro iyo Lataliyeyaal Arimaha amniga iyo doorashooyinka.

Shirkan Golaha Amniga Qaranka oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho ayaa noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shalay furay shirka amniga qaranka oo looga hadlayo Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo Casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti+Sawirro

Next Post

Guddoomiye ku xiggeenka 1aad ee Maamulka G/banaadir oo Xarigga ka jaray Kawaanka Malaayga ee Xamar weyne “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye ku xiggeenka 1aad ee Maamulka G/banaadir oo Xarigga ka jaray Kawaanka Malaayga ee Xamar weyne “SAWIRRO”

Guddoomiye ku xiggeenka 1aad ee Maamulka G/banaadir oo Xarigga ka jaray Kawaanka Malaayga ee Xamar weyne "SAWIRRO"

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa...

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS  Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadka Woqooyi Bari ay...

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In