Iyadoo ciyaarihii Olympikada xiliga Qaboobaha aya ka bilowdeen Dalka Koonfur Kuuriya ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa ay u ogolaaday Choe Hwi oo ah sargaal Kuuriyada Wuqooyi u dhashay islamarkana ka mid ahaa sarakiishii cunaqabataynta la saaray in uu u safro Kuuriya Koonfureed,wuxuuna ka qeybgalayaa ciyaarahaasi.
Waxaa uu Sargaalkan ka mid yahay ergada Kuuriyada Wuqoyi ee ka qaybgalaysa ciyaaraha Olambikada ee xilliga qaboobaha oo ka furmay Dalkaasi Kuuriyada Koonfureed,kadib markii dhawaan labada dowladood ay isku afgarteen ka qeybgalka tartankaasi.
Gabar la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa kamid ah ergada ka qeybgalaysa Ciyaarahaasi Olympikada,kadib markii ay ogolaadeen Golaha ammaanka ee QM oo walaac ka muujinayay dadka xayiraadda saran.
Kuuriyada Koonfureed ayaa warqad ay u dirtay golaha ammaanka si sargaalkan loogu ogolaado in uu soo safro Kuuriyada Wuqooyi.
Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in booqashada ergada Kuuriyada Wuqooyi ay gacan ka gaysanayso dajinta xiisadda gacanka Kuuriya.
Choe Hwi ayaa ah sargaalka xisbiga ka taliyaha Kuuriyada Wuqooyi u qaabilsan dhanka dacaayada iyo borobagandhada.
Waa sargaalka kali ah ee Kuuriyada Wuqooyi ay u soo dirtay Kuuriyada Koonfureed kaasi oo ku jira liiska saraakiisha cunaqabataynta ay ku soo rogtay Qaramada Midoobay.
Caalamka ayaa si dhow ula socda dhaq dhaqaaqa saraakiisha sar sare ee Waqooyiga Kuuriya,kadib markii la saaray xaiyraad dhinaca socdaalka ah,taasi oo loo aanaynayo talaabooyinka lagu horumarinayo Barnaamijka Nuclearka ee Xukuumadda Pyongyang,taasi oo Golaaha ammaanka ee QM ay go’aano ka soo saareen.