Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo kulan sagootin ah u sameeyay wafdi ka socday Finland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo kulan sagootin ah u sameeyay wafdi ka socday Finland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siiyaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidan Yoonis, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla, Agaasimah Maamulka iyo Maaliyada Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Liibaan Cabdi Cali, Agaasimaha Shaqada iyo horumarinta shaqaalaha Mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow iyo xubno kale ayaa maanta ka qeyb galay kulan sagootin ah oo loo sameeyay tababarayaal dhanka saxaafadda ah oo ka socday Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS.

Tabarayaasha ayaa dalka keenay qalab lagu horumarinayo Warbaahinta Qaranka, iyagoo tababaro siiyey qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla ayaa ugu horeyn mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay tababaryaasha, isla markaana ku aamanay shaqada isbedelka leh ay ka muujiyeen horumarinta qeybaha shaqaalaha iyo qalabka istuuyaasha Telefishinka Qaranka.

“Waxaan halkan u joognaa inaan u mahadcelino Walaalaheen waqtiga qaaliga ah ee ay nala qaateen, qalabkii ay noo keneen iyo tababarkii ay noo siiyeen shaqaalaha Warbaahinta Qaranka oo muddo 48 saac  ka yar laga dareemay shaashadda Telefishinka Qaranka” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Siiyaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidan Yoonis ayaa isna mahadcelin taas la mid ah u jeediyay macaliinta iyo doorka ay ka qaateen hormarinta Warbaahinta Qaranka.

“Waxaan halkan uga mahadnayaa team-ka nooga yimid Finland, waxaan dhihi karaa waa saaxiibadeen, waa Walaalaheen sababtoo ah waxa weeyaan, wax anaga aan u baahanahay oo Telefishinka Qaranka u baahnaa ayay noo keeneen, maadaama ay ahaayeen kuwii hore noogu sameeyay Telefishinka Qaranka, aad baan ugu mahadcelineynaa” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Gabagabii munaasabadda sagootinta ah ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta waxay ay abaalmarino Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ah guddoonsiyeen dhamaan macalimiintii ka socotay dalka Finland, taasi oo ujeedku ahaa in  lagu dhiiri geliyo howsha ay ka qabteen Telefishinka Qaranka.

 

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo La-taliyaha arrimaha Ciidanka Xoogga ee Madaxweynaha oo Hambalyo u diray ciidanka Badda

Next Post

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shaqsiyaad iyo shirkado oo Soomaali ay kamid tahay

Next Post
Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shaqsiyaad iyo shirkado oo Soomaali ay kamid tahay

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shaqsiyaad iyo shirkado oo Soomaali ay kamid tahay

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In