Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loo magacaabay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo ah khabiir dhinaca isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ah.

Tallaabadan ayaa aasaas u ah dhismaha Guddiga Sare ee Hay’adda Isgaarsiinta oo lagu hawlanaa tan iyo markii uu madaxweynaha dalka uu saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka 2dii Oktoobar 2017, isla markaana ay ku soo baxday faafinta rasmiga ah 20-kii bishii Nofeembar ee isla sanadkaas.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo soo dhoweeyay ansixintan ayaa uga mahad celiyay Golaha Wasiirrada ansixinta Maareeyaha Hay’addani oo noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu dalku yeesho.

“Farxad ayay noo tahay inaan dhismaha hay’addan ku soo gabagabeyno 90-kii cisho ee uu sharciga na siinayay oo ka billaabaneysay saxiixa madaxweynaha iyo faafinta rasmiga. Waxa ugu muhiimsan ee uu sharcigu dhigayay waxay ahayd dhismaha Hay’addan oo qaban doonta dhammaan hawlaha la xiriira nidaaminta isgaarsiinta dalka,” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Ballan baan ku qaadnay in ansixinta sharciga aysan noo ahayn hadaf haddii aysan la socon fulintiisa. Maantana waa tallaabo kale oo taariikhi ah oo loo qaaday hirgelinta sharcigan oo muhiim u ah dalka,” ayuu yiri wasiirku.

Taariikhda Maareeyaha Cusub

Mudane Cabdi Sheekh waa khabiir aqoon iyo waayo-aragnimo dheer u leh arrimaha la xiriira isgaarsiinta, teknoolojiyada iyo maamulka. Wuxuu muddo ka badan 23 sano la shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu waaweyn dalka Mareykanka oo la yiraahdo Verizon Communications, halkaasoo oo uu ka soo qabtay xilalka kala duwan oo heer maamul sare ah.

Laga soo billaabo Nofeember 2012-kii – kolkaasoo uu dalka ku soo laabtay – wuxuu la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha, isagoo la soo shaqeeyay ra’iisul wasaareyaal kala duwan. Intuu uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka shaqeynayay laga soo billaabo 2013-kii wuxuu dareemay baahida loo qabo in la aasaaso waax qaabilsan dhisidda awoodda hay’adaha dawladda (capacity development), taas oo uu Ra’iisul wasaare Saacid ku magacaabay wareegto. Si arrintaas loo fuliyo wuxuu kala shaqeeyay Bankiga Adduunka iyo UNDP sidii loo sameyn lahaa mashruuc ballaaran oo lagu horumarinayo awoodda hay’adaha dawladda (Capacity Injection Program), kaas oo haatan hirgalay, ayna ku kacayso $53 milyan oo doolar.

Laga soo billaabo bishii Abriil 2017, wuxuu ka shaqeynayay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, isagoo gacan weyn ka geystay ansixintii Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha awoodda Wasaaradda iyo xiriirka ay Wasaaraddu la leedahay dalalka iyo hay’adaha horumarinta ka shaqeeya oo ay ka mid tahay Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), wuxuuna ka shaqeeyay in xiriirkii Wasaaradda ee heer caalami uu sare u kaco.

Dhinaca aqoonta, Mudane Cabdi Sheekh wuxuu shahaadada koowaad ku qaatay cilmiga kumbutarka ee jaamacadda Houston, isagoo shahaadada heerka labaad ee Master of Science (specialization in Information Systems) iyo Maamulka Hawlaha (MBA) uu ka kala qaatay ee jaamacadaha Denver iyo North Carolina oo dhammaantood ku yaalla dalka Mareykanka.

Previous Post

Dhageyso : Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka Gollaha Wasiiradda oo lagu Ansixiyay Magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, NISA iyo Asluubta “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Gollaha Wasiiradda oo lagu Ansixiyay Magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, NISA iyo Asluubta “SAWIRRO”

Shirka Gollaha Wasiiradda oo lagu Ansixiyay Magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, NISA iyo Asluubta "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In