Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiiradda oo loog hadlay Heshiiska ay W.A. Dibadda la gashay Hay’adda MIGA, soo bandhigista Xaaladda Ceelasha biyaha, amniga guud ee dalka iyo arrimo kale

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiiradda oo loog hadlay Heshiiska ay W.A. Dibadda la gashay Hay’adda MIGA, soo bandhigista Xaaladda Ceelasha biyaha, amniga guud ee dalka iyo arrimo kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa looga dooday heshiiskii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda la gashay ha’aydda “MIGA” ee bankiga aduunka, Hirgalinta barnaamijka xakamaynta iyo qoondaynta ee dhaqaalaha dawladda, Ansixinta heshiisyadii hore ee loo gudbiyay Gollaha, Warbxin ku saabsan ceelasha biyaha, Amnigga iyo arrimo kale oo Muhiim ah.

Ugu horayn Wasiirka Amnigga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaal, ayaa laga dhagaystay warbxin soo koobaysa xaaladda guud ee amanigga dalka gaar ahaan amaanka Muqdisho. Waxuuna wasiirku cadeeyay in ay jiraan baabuur kuwa raaxda ah oo lagu soo xiray qalabka waxyaabaha qarxa ay ku jiraan si loogu dhibaateeyo bulshada, isagoona u digay shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan gaarigaas hadii ay arkaan ay ku soo wargaliyaan laamaha amnigga.

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Abdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa gollaha usoo bandhigay barnaamijka xakamaynta iyo qoondaynta dhaqaalaha dawladda (Commitmenta Control) kasoo ay dajisay xukuumaddu si loo ogaado dhaqaalaha soo gala iyo kan baxa dawladda Soomaaliya. Waxuuna tilmaaamay in dhaqan galinta barnaamjkan uu meel fiican marayo, dhammaan wasaaradihii ay khusaysana ay fuliyeen.

Wasiir Bayle ayaa intaas ku daray in ay Soomaaliya ka mid noqotay 10-ka dal ee uu soo wanaagsanaaday nidaamkooda maaliyadeed, isagoona taas u sababeeyay dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kalena ay tahay guul usoo hoyotay dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka warbixiyay heshiis ay wasaaraddu la gashay hay’adda “MIGA” ee hoostimaada bankiga aduunka, taas oo maalgashiyo badan ka hirgalisay dalka. waxuuna tilmaamay in heshiiskan uu faa’iido wayn uu uleeyahay Soomaaliya. Waxuu kaloo sheegay wasiirku in heshiiskaas ay saxiixayn 82-wadan, aduunkuna uu isku raacay in ay Soomaaliya gaartay horumar wayn, ayna tahay in lala galo heshiiyo maalgashi oo caalami ah.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka warbixiyay howlgaladda ay ciidanka Soomaaliya ka wadaan dhammaan degmooyinka iyo goboladda dalka, waxuuna tilmaamay in ay meel fiican marayaan dhawaana Alshabaab laga sifayn doono guud ahaan dalka.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga

Next Post

Guddoonka labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Turkiga.

Next Post
Guddoonka labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Turkiga.

Guddoonka labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Ra'isul Wasaare Ku xigeenka Turkiga.

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In