Sunday, November 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Nigeria oo shaacisay in wali la la’yahay Gabdho laga afduubtay iskuulka Dapchi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Nigeria oo shaacisay in wali la la’yahay Gabdho laga afduubtay iskuulka Dapchi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Nigeria ayaa xaqiijisay in Wali gacanta dagaalyahanada Boko Haram ku maqan yihiin Gabdho Nigerian ah oo gaaraya 110,kuwaasi oo todobaadkii la soo dhaafay laga afduubtay iskuul ay wax ka baranayeen,sida ay Sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka dalka Nigeria, Alhaji Lai Mohammed ayaa ku dhawaaqay Axadii shalay in 110-Gabadho ee laga afduubtay iskuulka Dapchi wali la la’yahay,sida lagu qoray Wakaaladda Wararka Nigera ee MAN.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

November 9, 2025
Guddiga Arrimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta Arrimaha Federaalka Oo Kulan Su’aalo Waydiin Ah Layeeshay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddiga Arrimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta Arrimaha Federaalka Oo Kulan Su’aalo Waydiin Ah Layeeshay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

November 9, 2025

Gabadhaha iskuulka dhiganayay ayaa la afduubtay ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Iskuulka Dowlada ee Cilmiga iyo Techlogiyada (Science and Technical College) oo ku yaalo magaalada Dapchi,ee Waqooyi bari Gobolka Yobe 19-kii bishan February.

Ku dhawaad 906-arday ayaa ku sugnaa Iskuulka xilligii weerarka uu dhacayay,sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Nigeria Mr. Mohamed.

“ Ciidamada amaanka waxay u dhaqaaqeen sidii ay u baadi goobi lahaayeen Gabdhahaasi,”sida uu Wasiirka sheegay,ka dib kullan dhexmaray Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Federaalka ee magaalada Damaturu ee ka tirsan Gobolka Yobe.

Ciidamo Boolis iyo kuwo Madani ah ayaa lagu kordhiyay iskuulada Waxbarasho ee Gobolka Yobe si ay u difaacaan.

Diyaaradaha Qumaati u kaca ee loo yaqaano Helicopters ayaa ka qeyb qaadanaya baadi goobta Gabdhaha laga afduubtay iskuulka,waxaana madaxweynaha dalkaasi Mahamudu Buhari uu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta Boko Haram looga soo soo saaro Gabdhaha.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Xaalad Biyo yari aad u daran oo ka jirta magaalada Baydhabo

Next Post
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Xaalad Biyo yari aad u daran oo ka jirta magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BARAAWE):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose,...

Guddiga Arrimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta Arrimaha Federaalka Oo Kulan Su’aalo Waydiin Ah Layeeshay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddiga Arrimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta Arrimaha Federaalka Oo Kulan Su’aalo Waydiin Ah Layeeshay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-Heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Hawlgal Ku Dilay Horjooge Khawaarijta Ka Tirsan

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta. Horjoogahan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In