Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo ku dhawaaqay Olalaha Billaha ee Nadaafadda Gobolka Benaadir

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo ku dhawaaqay Olalaha Billaha ee Nadaafadda Gobolka Benaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) ayaa sheegay in olalihii nadaafadeed ee ugu ballaarnaa laga sameyn doono magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Todobaadka Nadaafadda oo bilaabanaya maanta oo Khamiis ah ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyadoona Olahala Todobadkan xoogga lagu saari doono soo celinta bilicda degmooyinka, Warta Nabadda, Boondheere Shibis iyo Shangaani.

Related posts

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulanka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ugu baaqay dhallinyarada, haweenka, shaqaalaha dawladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshda Gobolka in ay si baaxad leh uga qeyb qaataan olalahan, maadama Nadaafada ay ka qeyb qadaneysa  fayo dhowrka deegaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa warbixino ku saabsan maamulka iyo Maaliyadda, bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku Xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax), Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ayaa si gaar ah uga wada hadlay ilaalinta amniga iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin bulshadu, si looga hortago falalka ay argagixisau u malageeyan shacabka Gobolka.

Previous Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Cumaan oo baaq u diray Madaxda Dowladda

Next Post
Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Cumaan oo baaq u diray Madaxda Dowladda

Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Cumaan oo baaq u diray Madaxda Dowladda

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay...

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In