Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS “Maqaamka Muqdisho Saddex Nuuc ayuu noqon karaa”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
DAAWO:- Barnaamijka DOOD FURAN Oo Aynu Isugu Keennay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isaga oo marti ku ahaa barnaamijka Dood-furan oo toos uga baxayay Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha shacabka  si wax looga weydiiyo howlaha horyaala kalfadhiga 3-aad ee Golaha ayaa wax laga weydiiyay sida golahu u wajahayo sameynta maqaamka caasimadda Muqdisho oo ah arrin ay ay wada sugayaan shacablka kunool Magaalada Mqudisho waxaana Gudoomiyaha uu sheegay in Baarlamanka arrintaasi uu ka shaqeynayo.

“Maqaamka Muqdisho waa laga hadlaa gambasho malahan waana lasoo gudbiyay saddex nuuc ayuu noqon karaa maqaamka caasimadda Saddexdaasi oo kala ah inay noqoto degaan Federal oo ay noqoto sida Waashitoon waxay toos u hoostagee dowladda dhexe xuduudeheeda ayaana la sameynaa iyadoo xubno ku yeelaneysa kaliya Golaha Shacabka, nidaamka kale waa inay noqotaa magaalo Madax Dowlad Goboleed ah mida sadexaadna waa inay noqotaa magaalo madax ku dhex taalo Dowlad Goboleed maka saddexdaas qaab ayaa midkood la dooranaa waana lasameynaa waliba waxaaa lagu cadeynaa dib u eegista dastuurka.” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026

Su’aal la xiriirtay arrinta xirnaashiyaha jidadka qaar iyo Amniga oo la weydiiyay Guddoomiye Jawaari ayuu kaga jawaabay in baarlamanka iyo xukuumaddu iska xil saarayaan in shacabka ay helaan xoriyad Amni islamarkaana aysna saameynin dagaalka lagula jiro Argagaxisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacbka ayaa xusay in Guddiga Garsoorka ee Golaha Baarlamanka iyo wasaaradda cadaaladda ay ku howlan yihiin habka dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka oo mudo badan laga sugayay Baarlamanka iyo Xukuumada.

“Arrinta dhismaha Guddiga adeega Garsoorka waxay ku xiran tahay in naloosoo gudbiyo ,ilaa hada mudo la siiyay majirto laakiin hadii la keeni waayo qasab ayay noqoneysaa in muddo la siiyo, hadana waxaa gacanta ku haya Guddiga garsoorka ee Baarlamanka iyo Wasaaradda Cadaaladda ayagaana howshaas ka sugeynaa, ayaan dhaweed mar bay ku dhawaadeen inay howshaas soo dhameeyaan marka kalfadhigaan waa inay keenaan arrintaasi” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mar wax laga weydiiyay Guddoomiye Jawaari mooshinada badan ee ka yimaada Baarlamanka oo mararka qaar lasoo gudbiyo xili dadku u arkaan inaysan ku habooneyn ayuu Guddoomiyuhu  kaga jawaabay arrintaasi.

“Mooshinka sidiisaba hadii Af-Soomaali lagu sheego waa soojeedin, soojeedinta aan sax aheyn waa dhaliili kartiin laakiin mooshin oo dhan lama diidi karo oo waxay kamid tahay waajibaadka Xildhibaanka hadii xukuumadda ay kalsoonida siiyeen xildhibaanada ay sameyn weyso wixii ay balanqaaday loona igmaday xildhibaanadu wey u yeerayaan wey canaanayaan hadii isbadal imaan waayana xaq bey u leeyihiin inay soojeedin soo diyaariyaan si xilka looga qaado cidii ay hore kalsoonida u siyeen.” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Jawaari

Arrimaha kale ee Golaha Shacabka horyaala ayuu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inay kamid yihiin qabyo tirka Dastuurka, sameynta shuruucda Doorashooyinka, hirgalinta nidaamka axsaabta iyo dhismaha Xarunta Baarlamanka oo loo dhisi doono qaab casri ah islamarkaana Dowladda Turkiga ay arrintaasi ka caawineyso Soomaaliya.

By Cumar Xasan Cali

 

Previous Post

Dhageyso: Dhibbane Wariye Deeqo Cubayd oo codsatay gar gaar Caafimaad

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In