Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Kabaweyne iyo Wasiiru Dowlihii Amniga Koonfur Galbeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shirka wadatashiga oo arrimo badan looga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleeeka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee  Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Hirshabelle, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C.qaadir Craxmaan Baraf Oo labaduba Qarax lagula eegtay Duleedka Garoonka Balidoogle ku geeriyooday.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ku hadlaya afka goleyaasha Dawaladda Hirshabelle ayaa  tacsi udiray Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Hirshabelle, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, Baarlamaanka, iyo qoysaskii ay Ka ka baxeen marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax iyo Marxuum Xildhibaan Cabdiqadir Baraf oo ka mid ahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana ahaa Waiiru dowlaha Amniga.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga naxay marka aan maqlay Dhimashada Xildhibaan Kabaweyne, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabweyne ayaa waxaa uu baarlamanka Hirshalle ku soo biirey dabayaaqadii sanadkii 2016 xiligaasi oo LA unkay Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle oo qarax ku dhintay

Next Post

Hanaanka Qaranka ee dib u heshiisiinta oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post
Hanaanka Qaranka ee dib u heshiisiinta oo laga hadlay “SAWIRRO”

Hanaanka Qaranka ee dib u heshiisiinta oo laga hadlay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane...

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

May 12, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa ka hadashay caqabadaha ka jira Garoonka Aadan Cadde. Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa...

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In