Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Haweenka kujira Baarlamaanka oo bogaadiyay kaalinta haweenka ee horumarka bulshada (sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Haweenka  kujira Baarlamaanka oo bogaadiyay kaalinta haweenka ee horumarka bulshada (sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Qaar kamid ah xildhibaanada haweenka ah ee kujira Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo haween ka kala socday qeybaha bulshada iyo ciidanka qalabka sida ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu sagootinayay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho,iyagoo ka hadlay doorka ay haweenku ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Xubnaha ka socday baarlamaanka oo ka qeybgalay munaasabadaasi waxaa kamid ahaa Maryan Macalin isxaaq iyo Farxiyo Muumin oo ka socday Golaha Shacabka,Siciido Xasan Cusmaan iyo Jawahir Axmed Cilmi oo ka socday Aqalka Sare iyo xildhibaano kale,waxaana ay ka hadleen kaalinta ay ka geysan karaan horumarka dalka,dhinacyada dhaqaalaha,waxbarashada,Dowladnimada iyo Difaaca Dalka.

‘’Haweenka Soomaaliyeed meelkasto ay joogaan waxaa dadaal loo galay 30% in ay ka helaan baarlamaanka Soomaaliya,hadda waxaa soo socota doorasho kale oo dalka ka dhici doonta,marka hadii aan u diyaar garowno dadaal aan gelino aan midnimo muujino maal maskas iyo karti intuba waxbadan ayaa inoo qabsoomaya’haweenka Soomaaliyeed dor muuqda ayay ka qaateen horumarka iyo dhismaha dowladnimo,taasi oo ku timid halgenkii aan bilownay lixdankii,maanta dalkeena wuxuu u baahanyahay badbaado iyo halgenkii in la soo celiyo,waxaa la rabaa in dhaqaalaha nalaka xiro,in aan dagaalano in aan isdilno,dalkaan anagaa iska leh,dalkaan hooyaa badbaado u ah’. Ayay tiri Senator Jawahir Axmed Cilmi.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa la aaminsanyahay in ay muujiyeen doorkii ay ku lahaayeen bulshada,iyagoo muddadii dalka uu burbursanaa ay si gaar ah isaga xil saareen sidii loo bad baadin lahaa nolosha qoysaskooda oo ay la soo mareen duruufo adag.

 

Previous Post

Deputy prime minister of Somalia meets India prime minister

Next Post

Howlgalo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga sameeyay Gobalka Hiiraan “DHAGEYSO WAREYSI”

Next Post
Howlgalo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga sameeyay Gobalka Hiiraan “DHAGEYSO WAREYSI”

Howlgalo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga sameeyay Gobalka Hiiraan "DHAGEYSO WAREYSI"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In