Shir wadatashi ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Shirkan ayaa waxaa looga hadlay Qorshaha ka soo kabashada iyo u adkaysiga Abaaraha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay madaxda wasaaradda Qorsheynta ee xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha Qorsheynta Dowladda Gobaleedyada xubnaha ka ah Dowladda dhaxe.
Mundane Cabdulqaadir Aadan Maxamed Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka warbixiyey ujeedka shirkaan, waxaana uu sheegay in ay tageen gobolada dalka oo dhan si ay u oggaadaan baahiyaha kala duwan ee jira, isaggoo xusay in shirkaan gabo gabadiisa ay kasoo bixi doonaan qorsheyaal.
Shirkan ayaa socon doona muddo 4 cisho ah, iyaddoo si gaar ah diirada loogu saari doono mudnaansiinta baahiyaha soo kabashada iyo u adkeysiga abaaraha ee ka soo baxay warbixintii ” saameynta Abaaraha ee Soomaaliya iyo Qiimaynta Baahiyaha -(Drought Impact Needs Assessment DINA).